DEG DEG Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe

0
Monday April 11, 2022 - 13:00:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Garoowe

    Dadka ku dhaawacmay Shilka gaari ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka ku dhaawacmay Shilka gaari ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada



Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa geeriyooday tiro kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii shil gaari uu Maanta ka dhacay nawaaxiga kantarool Waqooyi ee Caasimadda Garoowe.


Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Propox ah iyo gaari verossa sida ay muujinayaan Sawiro laga soo aaday goobta uu ka dhacay Shilka gaari, iyada oo sidoo kale uu burbur xoogan soo gaaray labada Gaari.



 

Dadka ku dhaawacmay Shilka gaari ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe si loogu daaweeyo kadib markii ay gurmad u sameeyeen Ciidamada ilaalada waddooyinka taraafikada iyo dadweyne goobta shilka ka dhacay ku sugnaa.


Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale waxaa shil gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhacay nawaaxiga kantarool Waqooyi ee Caasimadda Garoowe, waxaana shilalka digniin kasoo saaray Taliska Booliska Gobolka Nugaal.

Loading...
Loading...