"Maba Lulatee Maxay Leeftaa !!!!"...Qalinka: Xildhibaan Axmed Dayib Aadan (Ku Cadeeye)

0
Monday April 11, 2022 - 09:57:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maba Lulatee Maxay Leeftaa !!!!"...Qalinka: Xildhibaan Axmed Dayib Aadan (Ku Cadeeye)

    Sabata bixinta dadka tabaalaysan iyo dib udhiska Suuqa Waaheen iyamaa horreeya?!!!!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabata bixinta dadka tabaalaysan iyo dib udhiska Suuqa Waaheen iyamaa horreeya?!!!!.

Waxaan aad uga xumahay eedaymaha iyo Jawaabaha ay warbaahinta isu marinayaan masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo xisbigayga Waddani taas oo xagal daacin, turaanturro, caqabad, hagardaamo, niyad-jabin iyo gaagixinba ku ah dadaalka, gurmadka iyo taakulaynta ay ugu jiraan bulshada Somaliland, ta Soomaaliyeed iyo bulshada Muslimka ahiba aafadii ka dhalatey dabkii ku habsaday Suuqa Waaheen 01-04-2022 .



Sidaa daraadeed waxaan leeyahay cidkasta oo ku lugleh ka hadalka dib u dhiska suuqa Waaheen wey kaa hoostee fikirkaaga iyo taladaadaba la sug amminta iyo goorta la soo gaadho dib u dhiska Suuqa hana carqaladayn gurmadka loogu jiro sabata bixinta dadkii ku caydhoobay ama ay saameysay musiibadii suuqa waaheen oo isu jira:


1- Dadkii maxaysatada ahaa sida hooyooyinkii muuska, Tamaandhada, hilibka iwm masaariifda kala soo bixi jiray.

2- Dadkii shaqaalaha iyo muruq maalka ahaa.

3- Dadkii kala duwanaa ee hantidoodii ku waayay dabkaasi.


 Waxa aan cod dheer ku sheegayaa cidda maanta ka hadlaysa dib u dhiska lagu samayn doono mustaqbalka Suuqa waaheen in ay tahay cid aan u damqanayn dadka tabaalaysan ee gurmadka degdegga ah u baahan isla markaana ka carqaladaynaysa gurmadka taakuleynta ah ee gudo iyo dibadba loogu jiro in lagu sabata bixiyo dadkaas tabaalaysan oo ka horreeya dhismaha Suuqa.


Ugu dambayn waxaan leeyahay dadkeyga tabaalaysan maanta maaha maalin siyaasadeed ee waa maalintii loo midoobi lahaa gurmadkiina iyo qaadhaan ururinta sabata bixintiina.

NINKA KAA DULGUURIYO

DADKA KII WAX KUGU TARA

MARKEY DANI KU HAYSAAD

DADKA KALA OGAATAA


اللهمأجرنافيمصيبتناوأخلفلناخيرامنها


ALLAA MAHAD LEH

XILDHIBAAN SH. AXMED DAYIB KUCADEEYE

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...