Berberaay Xaqaaga La Qari!!!

0
Monday April 11, 2022 - 09:25:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Berberaay Xaqaaga La Qari!!!

    W/ Q Axmed Siciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/ Q Axmed Siciid

mooyi habaarkaasi Meel uu ka soo raacee, Waa hadal iyo hal ku dhig hore oo ay Berbera caan ku tahay, kaas oo laga wariyo inu kasoo baxay nin carab ahaa oo walaalkii lagu dilay berbera ,kadibna la garan waayey cidii dishay, magtiisina sidii lagu duudsiyey



Waa meel Cid kastaaba cadow u tahay bal eega neefka xoolaha ee ka dhoofa dekadda Magaalada Berbera waxa kaga xaq badan lacagta dhismaha waddada ceerigaabo uga soo xeroota cashuurta neefka lagu caafimaadiyo maxjarada Berbera ku yaala oo dhibta caafimaad ee ugu badan ay kala kulmaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi iyo degaankuba


Dhismaha Jidka Ceerigaabo 

geela & lo  neefkii = 14000 s/sh

Adhiga        neefkii=  3500 s/sl

Xaqal digada Dawlada Hoose ee Berbera

Geela iyo lo da  neefki = 4000s/shiling

Adhiga               neefkii =  800 s/shiling


Jidka Ceerigaabo isagoo muhiim u ah qaranka Somaliland hadana waxa manaafacsada shacabka ku dhaqan gobolada Bariga Somaliland ee Togdheer,sanaag iyo sool oo inta badan isticmaala dhismaha wadadaasi , kuwaasi oo Xildhibaanadii uga soo baxay Golaha wakiiladu Somaliland ay dulaan kusoo qadeen xeerka midaynta cashuuraha ee X 12 iyo Xeer 23 kàasi oo waajibina in degmo kastaba kastamka ku yaala alaabada lagu cashuuro ay ka qaadato 10% , waxaana dhaqaalaha kooban ee degmada Berbera ka hesho alaabadaasi ka soo dega ay intooda badani ay u dhaqfta  dhinaca Caasimada Somaliland ee hargeysa ,borama magaalo xuduudeeda wajaale iyo dalka itoobiya ee bilaa dekada ah.


Marsada Berbera ayaa ah dekadda ugu wayn ee dhinaca dhoofka xoolaha,taas oo laga raro xoolaha ugu badan ee u dhoofa dalka sucuudiga xiliyada moosinka xajka marka la barbar dhigo  dekaddaha ku yaala geeska afrika iyo mandaqa oo ah dekadd ugu haboon ee ku taala gacanka cadmeed ee ay maraan xoolaha ugu badan ee somalidu u iibgayso dalka sucuudiga, waxaana xoolaha ugu badani ee lagu cashuuro magaalada berbera ay ka yimadaan marka laga tago gobolada somaliland dhinaca itoobiya iyo gobolada dhexe ee koonfurta dalka Somaliya.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...