Suuqa Waaheen Miyuu Gubtay, Misa Waa La Gubay? Qaybtii 1aad.

0
Sunday April 10, 2022 - 12:55:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Suuqa Waaheen Miyuu Gubtay, Misa Waa La Gubay? Qaybtii 1aad.

    Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)



  (Gobtu waa tii mahadnaqda,ee cidkasta o noo soo gurmatay,waxaanu leenahay mahadsanid,abaalna waanu idin haynaa)

 

                                                                      6 April 2022

 

 Ugu horeyn Allaa mahad oo dhan iska leh.

    Marka hore waxaan halkan duco  uga dirayaa dhamaan Ganacsatadii  hantidoodii u baabaday Dabkii qabsaday suuqa Waheen ee Hargeysa Jimcihii 1 April 2022.Waxaan ILLAHAY uga baryayaa in hantidii ka gubatay,uu ugu bedelo khayr iyo hanti xalaala oo tii hore ka badan.

 

    Suuqa Waaheen cid gaar ahi ma laha,ee waa suuq ka dhexeeya reer Somaliland oo dhan,dhibta gaadhayna waxay saameeyn weyn ku yeelanaysaa dhamaan shacab Somaliland,gaar ahaan intii danyarta ahayd ee subaxdii u soo jarmaadi jiray in ay nolol maalmeedkooda ka helaan,ILLAHAY wax khayr qaba ha ugu bedelo aaamiin.

 

    Inta badan Ganacsata suuqa Waaheen,waxaan u leeyahay aqoon,waxaan bartay xilligii aaan ahaa wakiilka Somaliland ee dalka China,waa ganacsato dadaal badan,xalaal quudato ah,runtiina si gaar ah ayaan uga murugoonayaa dhiaatadii soo gaadhay ganacsatadatii suuqa Waaheen ee ,magaalada Hargeysa.

 

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa ,masuuliinta sida weyn uga dhex muuqatay  suuqa Waaheen ,habeenkii uu gubanayey,runtii waa masuuliyiin lagu tilmaami karo in ay yihiin geesiyaal Qaran,ummadda reer Somaliland waxaan filayaa in mudo dheer xasuusnaan doon masuuliintaa,waxaan si gaar uga xusi karaa masuulintaa :-

 

1.     Abdikariin Ahmed Mooge….Maayarka Caasimada Hargeysa,waxaan odhan karaa waa shaqsi ku sifoobay.howlkar-masuulnimo-daacadnimo .

 

2.     Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Gen. Sawaaxili,kaas oo isaga iyo Ciidankiisuba ay yihiin kuwo haliso badan ka badbaadiyey ummaddoo,Dabkii suuqa Waaheena ka muujiyey geesinimo iyo howlkrnimo dheeraad.

 

3.     Waxaan isagana u mahadcelinayaa Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Wadani,oo noqday masuulkii ugu horeeyey ee soo booqda Dabkii suuqa Waaheen,mudo laba(2) gudahooda xilligii Dabku ka kacay suuqa Waaheen,waxaan leeyahay waad u qalantaa Musharaxnimada.

4.     Waxaan u mahad celinayaa Saxaafada madaxa banana ee Somaliland guud ahaan ,gaar kuwa isticmaala baraha Bulshada ee sida tooska ah ,markiiba warka dunida oo u gaadhsiiyey.

 

 

5.     Waxaan u mahadcelinayaa guud ahaan Shacabka reer Somaliland ,gaar ahaan kuwii ka qayb qaatay daminta dabkii suuqa Waaheen,sida ku Booyadaha Biyaha watay,Ardayda iyo Shacabkii  caawinayey kooxa dabka la dagaalamayey.

 

 

6.     Waxaan u mahadnaqayaa Dowlada iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee reer Soomaaliya ,oo si deg deg uga falceliyey masiibadii ku dhacday suuqa Waheen,waxaan leeyahay GOB baa tihiin,ee idinka ILLAHAY ha idinka dulqaado dhibka,qaraxyada iyo colaada mudada dheer soo jiitamaysay.

 

 

Hadal iyo dhamaan waxaan halkan uga mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadanaysa gurmadka loogu jiro samata bixinta dadkii dhibtu ka soo gaadhay dabkii baabiyey suuqa Waaheen.Waxaan ceebayn iyo cambaarayn dusha uga tuurayaa,cid kasta oo waxyeelaysa-hor istaagta-jalaafaysa-Aflegaadaysa gurmadka loo fidinayo dadkuu ku tabaaloobay dhibkii ka dhacay suuqa Waaheen.

 

………la soco qaybta 2aad iyo sababaha tuhunka igu dhaliyey.

 

 

ALLAA.      MAHAD. LEH

Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...