Dhacdooyinkii Dhawaa Iyo U Banbixii Mooge iyo Biixi

0
Sunday April 10, 2022 - 12:50:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdooyinkii Dhawaa Iyo U Banbixii Mooge iyo Biixi

    W/Q: Hamse Riiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Hamse Riiraash

Waxa sidaan hore u sheegnayba dalkeena gaadhay dhibaato.dhibastadaas oo lahayd khasaare maaliyadeed iyo hantiyeed.

 

Taasi  oo uu suuqeenuna  gubanayay saacado halkaana ay ku shufbaleen wixii suuqa yaal badidooda.

 

Sidaasay ahayd hogaamiye biixi waxa uu garab joog u muujiyay dadkiisa isaga oo u badheedhay aadida iyo naf hurnimo uu qayb ka ahaa daminta holaca iyo qaaca ka baxayay suuqa.

 

Sidaasay ahayd ayuu maayarkuna habeen iyo dharaar la tiicayay wax la qaybsiga umadiisa,ugu danbayn waa lagu guulaystay  xakamaynta dabgii qarxaayay.

 

Muuse waxa uu u muuqday  inuu yahay nin aan wax ula hagran dhibaatadaas 

Iyo garab istaaga shacabkiisa,balse maalmaha xiga isla goobtaas waxay noqonasaa meeshii ugu qurxoonaan doonta ugu casrisanaan doonta dhibtana waa laga bixi doonaayee  ee niyada khayr haloo sheego.

 

Sida kale hargaysi way badqabtaa guryuhu way dhisanyihiin magaaladu way shaqaynasaa dhibtaa ina gaadhay ee gudaha waaheena waa masiibo rabaaniya ee hala adkaysto caloosha.suuqaas markiisii horeba farsamadaa ka xumayd qadarka ilaahna waa jiray ee balse hadda waalaga tabaabushaysan dib u dhiskiisa alla wax khayr qaba ama cawid khayr qaba alla ha inoogu baddalo.



W/Q: Hamse Riiraash 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...