Mar Baan Iimaankaygii Iibin Gaadhay.

0
Sunday April 10, 2022 - 12:37:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mar Baan Iimaankaygii Iibin Gaadhay.

    Qoraa: Cali Maxamed Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraa: Cali Maxamed Biixi

Waxaan tegey magaalo cusub oo lay Bedelay. Waxaan an soo raacay Bus yar oo dhawr qof saaran yihiin. Darewelkii ayaan kiradii u dhiibay , markaasu waxa uu in soo Celiyey lacag ka badan baaqigii ay ahayd  in uu in soo celiyo.



Markaan arkay ayaan  is idhi ma celisaa  mise, waad iska haysataa,  aniguna  waan iska locag la'aa. 

Jeebka ayaan  ku ritay lacagtii. Kolkii  aan Buska ka degaayey ayaan  lacagtii soo saaray oo Derewelkii ku  idhi :

lacag badan baad  ii  soo celisay: markaasuu iigu  jawaabay : waxaad  tahay  wadaadkii cusbaa ee magaalada  dhawaan loo soo Bedelay.


 Waxaan ugu jawaabay : Haa 

Waxa uu igu yidhi: ogaan  baan kuugu soo Celiyay lacag baaqigaagii  ka badan oo waxaan eegaayay iimaan kaagu sida uu yahoo.


Iminka waxaan ogaaday in aad tahay qof wanaagsan oo iimaan leh.

Markaasaan ilaahay  ugu  mahad naqay iimaanka uu isiiyey, iyo garashada  uu igaran siiyey.


Markaa iimaanku waa  wax aad u qaali  ah.

Haddii aad garanayso.

 

Qoraa: Cali Maxamed Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...