Ra'iisal Wasiirihii Pakistan Oo Xilka Laga Caydhiyey

0
Sunday April 10, 2022 - 08:53:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasiirihii Pakistan Oo Xilka Laga Caydhiyey

    "kaddib marki uu isku dayay inuu hor istaago codka kalsoonida oo uu kala diray baarlamaanka."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"kaddib marki uu isku dayay inuu hor istaago codka kalsoonida oo uu kala diray baarlamaanka."

Ra'iisal Wasaaraha Pakistan Cimran Khan ayaa lumiyey codka kalsoonida kaddib marki baarlamaanka dalkaas aqlabiyaddiisii ka codaysay hoggaamintiisa.



Arrintan ayaa timi kaddib markii ay mooshin ka dhan ah Cimran khan ay soo dhigeen xisbiyada mucaaradka.

Baarlamaanka dalkaas ayaa looga fadhiyaa in ay maalmaha soo aaddan Ra'isal Wasaare cusub degdeg u soo magacabaan.


Waxayna Isniinta yeelanayaan kulan degdeg ah si ay u doortaan Ra'isal Wasaarihi baddali lahaa Cimraan Khaan oo codka kalsoonida ka waayey baarlamaanka.


Dadka falanqeeya siyaasadda Pakistan waxay sheegeen shaqsiga badali karo Cimraan Khaan inuu ka imanayo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka, uuna noqon karo Shehbaz Shariif oo ay walaalo yihiin Ra'isal wasaarihi hore ee dalkaas Newaz Shariif.


Daqiiqado ka hor inta aysan codbixintu bilaaban, afhayeenka aqalka hoose ee baarlamaanka Pakistan - oo xulafo la ah Mr Khan - ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo.


Xubno ka tirsan xisbiga Mr Khan (PTI) ayaa isaga baxay dhismaha, iyagoo ku adkeystay inuu dhibane u yahay shirqool caalami ah oo la soo maleegay.

Qofka Ra'isal wasaaranimada loo doortaa dalkan wuxuu xilka sii haynayaa ilaa bisha October 2023-ka, xilligaas oo ay doorashada xigtaa qabsoomeyso.


Cimraan dhankiisa wuxuu sheegay inuusan aqoonsan doonin dowlad mucaarad ah, isaga oo ku doodaya tallaabbada baarlamaanka uu codka ugu diiday in ay tahay Shirqiool uu Mareykanka hoggaaminayo.


Inkasta oo Mareykanka eeddaasi ay dhinac isaga dhigeen ayna sheegeen Mr Khan inuusan eedda uu soo jediyey wax caddeyn ah uuu haynin, haddana maxkamadda sare ee dalka Pakistan toddobaadki hore toddobaadki hore waxay xukuntay Mr Khan inuu dhaqmay si aan waafaqsaneyn dastuurka dalkaasi kaddib marki uu isku dayay inuu hor istaago codka kalsoonida oo uu kala diray baarlamaanka.


Balse dadka falanqeeya siyaasadda Islamabad waxay sheegeen in militariga uu ka niyad jabay Khan kaddib marki ballanqaadyadi uuu qaaday in uu ka soo baxo uu ku fashilmay.


Waxyaabaha ay uu ku fashilmayna waxay ku sheegeen inuu ballan qaaday maamulka inuu hagaajinayo balse uu ka soo bixi waayey iyo inuu ku fashilmay inuu ceydhiyo shaqsiyaadka waajibaadkooda gudan waayey sida taliyaha sirdoonka iyo Guddoomiyaha Punjab.

Halkan mucaaradka qaarkoodna ay ku eedeeyeen inuu ku dhaqmay khiyaamo qaran.


Cimraan Khaan bishi hore wuxuu ku sugnaa caasimadda Moscow gaar ahaanna maalintii uu Ruushka soo qaaday duullaanka Ukraine, wuxuuna difaacay tallaabbooyinka uu qaaday madaxweyne Putin.


Halka Taliyaha guud ee ciidamada Pakistan General Qamar Javed Bajwa uu ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

Cimraan Khaan ayaa noqonayaa ra'isal wasaarihi ugu horereyey ee Pakistan oo codka kalsoonida uu baarlamaanka ka waayey xilka looga qaado.


Cimraan Khaan oo sanadihi uu ciyaarayey ciyaarta Cricket-ka loo arkayey inuu ahaa halyey qaran ayaa 2018-ki Ra'isla Wasaare noqday isaga oo ciidamada taageero ka helaya

 

BBC

Loading...
Loading...