Midowga Africa oo lasaftay Farmaajo, Go'aankii Rooblana diiday...

0
Saturday April 09, 2022 - 15:32:11 in News by
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Midowga Africa oo lasaftay Farmaajo, Go'aankii Rooblana diiday...

    Go'aankan ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyay markii Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku cadaadiyay Midowga Afrika inay garab istaagaan Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Go'aankan ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyay markii Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku cadaadiyay Midowga Afrika inay garab istaagaan Farmaajo
Gudoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa diiday ceyrintii Ergayga Midowga Africa ee Soomaaliya Ambasador Francisco Caetano Madeira, waxay walaac kamuujiyeen talaabada Raysalwasaare Rooble, iyadoo PNG-dii kasoo qaaday warsaxaafadeed.

Dhinaca kale, waxay sheegeen in ay Kalsooni galisay warqadii Madaxweyne Farmaajo soo saaray 7-dii April, oo lagu cadeeyey in uu ka xunyahay warqada Raysalwasaaraha, ayna diyaar u tahay DFS lashaqeynta Midowga Africa, ugana mahadceliyey dadaalkooda.


"Guddoomiyaha Midowga Africa, wuxuu dib u xaqiijinayaa kalsoonida buuxda iyo aaminaada uu ku qabo Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Ambassador Madeira, wuxuuna ku celinayaa sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista dadaalka ay ku taageerayaan Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay dalkas u gaaro soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni” ayaa lagu gabagabeeyey qoraalka.

Go’aankan ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyay markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku cadaadiyay Midowga Afrika inay garab istaagaan Farmaajo oo qorsheynaya muddo kororsi hor leh.
 


In ka badan 22kun oo Askari oo suga inta badan xarumaha Dawladda Soomaaliyo iyo ammaanka Madaxda DFS, ayaa Midowga Africa ka jooga Soomaaliya, waxaana lagu baxshaa Malaayiin Dollar bil kasta xili ay Hoggaamiyayaasha Soomaalidu dhexdooda isku haystaan.









No photo description available.
Loading...
Loading...