Muxuu Sharciga Somaliland Ka Qabaa In Xisbi Siyaasadeed Lacag Siiyo Shacabka?

0
Saturday April 09, 2022 - 13:27:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Sharciga Somaliland Ka Qabaa In Xisbi Siyaasadeed Lacag Siiyo Shacabka?

    "Hay'adaha sharciga fuliya way ku qabsan karaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hay'adaha sharciga fuliya way ku qabsan karaan"

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guuled Dafac ayaa sheegay inay xaaraan tahay in xisbiyada mucaaradka Somaliland ay lacagsiiyaan Shacabka.

 

Garyaqaanka ayaa qoraal uu kaga hadlayo arinkasi oo uu baahiyay uqoray sidan:-

 

"Waxa aan marar badan arkay iyada oo xisbiyada lagu canaanayo in aanay qaadhaan ku darsan dhib dhacday iyo iyaga oo laftoodu wax bixinaya. Waxa xaaraan ah in xisbi siyaasadeed shacabka hanti siiyo. Waa laaluush. Waa waxyaabaha caadiga laga dhigtay Somaliland balse ay ahayd in aanay dhicin. Xisbigu waa samayn karaa hay’ad samafal oo diiwaangashan oo taageerayaashiisa deeq ka ururisa iyada oo lagu maamulayo xeerarka dalka si looga ilaaliyo in wax is waydaarsi dhaco.

 

Waxa la mid ah in xildhibaanadu ay lacag ururiyaan oo ay dabadeed bixiyaan. Iyana waa qalad  kale oo wayn. Xildhabaan ku waa taageeri kara urur ama cid lacag ururinaysa balse isagu maaha inuu faraha la galo.

 

Hay’adaha sharciga fuliya way ku qabsan karaan xisbi ama xildhibaanka gala lacag ururinta aan ahayn mid olole siyaasadeed. Waxa aan qabaa in faldembiyeed ka dhalan karo”.


Loading...
Loading...