Jaaliyada Somaliland ee Jabuuti Oo Ka Qayb Qaadanaya Qaadhaanka Suuqa Waaheen

0
Saturday April 09, 2022 - 12:24:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Somaliland ee Jabuuti Oo Ka Qayb Qaadanaya Qaadhaanka Suuqa Waaheen

    Waxa kale oo jaaliyada Jabuuti ay amaaneen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kale oo jaaliyada Jabuuti ay amaaneen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti,

Jaaliyada Somaliland ee dalka Jabuuti inay taageero ka gaysan doonaan, dib u xoolaynta dadkii ku ganacsan jiray suuqi gubtay ee Waaheen.


Haweenka jaaliyada Somaliland ee ku nool dalka Jabuuti, ayaa sheegay in ay rajjaynayaan in shacabka Somaliland ay ka soo kabtaan masiibadii dabkii baabi’iyay dhaqaalahood, waxaaanay intaas raaciyeen in qayb ka qaadan doonaan taageerada ganacsatada hantidoodii ku waayay dabkii suuqa halakeeyay iyo dib u dhiska suuqaasiba.



Waxa kale oo jaaliyada Jabuuti ay amaaneen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, oo ay tilmaameen in uu wefti deg deg ah u diray Somaliland, isla markaana uu dareen walaalnimo kaga jawaabay masiibadii dabkii baabi’iyay suuqa Waaheen.


waxaanay yidhaaheen haweenkaasi iyaga oo arrimahaasi ka hadlaya.”Haddii aanu nahay haweenkii reer Jabuuti ee danaynayay danaha Somaliland, in aanu walaalahayo la qaybsano masiibadii dabkii baabi’iyay hantidooda.


Waanu idinla qabna dareenka mashaakilka idinku dhacay, ILLAAHEYna waxa aanu idiinka baryayna in cawil khayr qaba idiinku baddelo.


Si weyn ayaanu uga qamqanay masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen, haddii aanu nahay haweenka waddanka Jabuuti, waxaanu aad uga murugaysanahay dhibaatada ka dhacday suuqa Waaheen, dadkaasi hantidoodu ku baaba’day dadka maanta iyaga oo maalqabeen ahaa caydha noqday, ALLE wax ka baraka badan gacmihiina ha soo galiyo.


Waxa kale oo aan halkan uga hanbalyaynaya madaxweynahayaga Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo baaqii Somaliland daqiiqado gudahood kaga jawaabay, oo wefti diray, lana qaybsaday dareenka dawladda, shicibka iyo dadka kale ee dhibaatadu ku dhacday ee maalqabeenka ahaaba.”

Loading...
Loading...