Taxanaha: Madaxweynaheenna Maanta!!. Q:2-Aad.

0
Saturday April 09, 2022 - 10:51:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha: Madaxweynaheenna Maanta!!. Q:2-Aad.

    Lasoco Qaybta 3-Aad oo aad u xiiso badan. Ramadaan Kareem!!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lasoco Qaybta 3-Aad oo aad u xiiso badan. Ramadaan Kareem!!!!

Aan dib ugu yar noqdee, markii uu soo koray Gaadhigayga ee aanu caadi u sal-dhigan ayaa waxa dhinacayaga midig soo istaagay gaadhi Madaw oo Lacruirser  ah oo waliba lambar cad oo shacab ka lusho, Mar qudha ayuu dirawalkii gaadhigaasiga daaqadda dejiyay,islamarkaana isagoo kor u qaylinaya uu ku yidhi "Madaxweyne Gaadhigan soo fool, aniga ayaa ku qaadi eh” Madaxweyne Biixi ayaa isaga oo cadho ka muuqato ugu hal celiyay hadal adag oo aan markaa u macnaystay hal adayga lagu xanto, waxa uu ku yidhi "waar soco oo naga tag, saacaaddu waa imisaddii, waar hadhaw ha inoo ahaato adeer, waliba soo seexo oo illaa afarta galabnimo uun ha inoo ahaato”.  Ninkaasi waxa la iisheegay inuu ahaa Wasiir ku xigeen, ma aqoonsan markaa anigu, laakiin waa uu qajilay oo waxa uu islahaa wuu ku raaci oo gaadhigan NOOHA-da ah ee qofka shacabka ahi wato wuu kaaga soo degi, kolayna arin ayuu ka lahaa gaar ah balse Madaxweynuhu wuu diidanaa inuu wakhtigaasi la faqo ama uu raacaba, wakhtiguna waa illaa .Kawdii Duhurnimo iyo dheeraad.



Waxa uu usoo jeestay xagaygii, dib ayaan gaadhiga u celiyay iyo dhinaca Xafiiska Kulmiye oo uu iisheegay inuu gaadhigiisii yaalo, islamarkaana dirawalkii hore uu iska badelay. Waxa uu aad u fiiriyay wajigayga, mar kale iyo mar labaad ayuu i salaamay, waxaan ku idhi miyaad igaranaysaa Gudoomiye. Waa uu aamusay, waxaan xidhnaa Macawis iyo garan cas, aad ayaan u qaab darnaa, nin beer soo qoday ayaa la imoodayay, Bakoorad weynina way agtaalaa,Wakhti Kooban kadib waxa uu igu yidhi "waar miyaan ku garanayaa talaw?, waar miyaanad ninkii Foore ahayn?” waan qoslay, waa uu igu celiyay, waan ahay ayaan ku idhi!


Dagaalku halkaasi ayuu nooga bilaamay, waxaan dareenkayga oo dhan wada siiyay oo aan aad u qiimaynayaa qaabka uu iila hadlayo iyo isbadelka ku dhacay markii uu i aqoonsaday. Wakhtigaasi Wargeyska Foore iska dhex dhexaad ayuu ahaa, waayo warbaahinta intooda badani, way kala safnaayeen, oo Kulmiye iyo WADDANI ayay kala raacsanaayeen balse anagu waxaanu isku arkaynay inaanu dhex ka nahay inkasta oo Kulmiye nagu tirin jiray dhinaca mucaaridka.


Waxa uu igu yidhi, maxaad igu caydaa?, way igu adkaatay inaan deg deg uga jawaabo su’aashaasi, waayo meel adag ayuu kasoo qabtay, waxaa uu igu yidhi, haddana maxaad ii mucaariddaa, labadaasi Su’aalood markay iskukay kaadheen, ee  maskaxdaydu mashquul gashay, ayaan aayar ugu jawaabay, Gudoomiye kuma caayo, sideen kuu caayay, halkeen kugu caayay. Waxa uu igu yidhi, waan akhristaa Wargeyska, si joogta ah, kii Shalayba waan hayay. Aad ayuu markaa iskaga cadhaysiinayaa, gar iyo gar ayay ka taagan tahay, maxaad usoo qaadatay ayaan niyaddda iska leeyahay. Waayo waxaanan filayn ayaa iga soo baxay iyo gar naqsi. Waxa kale oo uu igu yidhi, waad daggaal xun tihiin, waxba ma xeerisaan.


Halkaas marka uu marayo ee aan aamusay ayaa uu igu yidhi, waan iska kaftamayaa ee bal waran?. Waan fiicanahay ayaan ku idhi, waxa uu iiga sheegayay sheeko gaaban oo aanan jeclayn inaan runtii idinla wadaago, taasi oo uu igu yidhi, kaasina waad amaantaa, anna waad I mucaariddaa.


Markii uu sii degayay ayuu nin farta iigu fiiqay, isagoo leh, kaasi ayaa la mid tahay! intaanu wada dhaadhicin ayaan ku idhi sawir aan kaa qaado, markaasi ayuu igu yidhi, walaahi inaan mobileka kaa jabin, waan cabsaday, oo waan aamusay, waaana maca-salaameeyay. Waxaanu igaga degay Xafiiska Kulmiye Hortiisa.


 Waxaan maalintaasi aqoonsaday , odhaahdii ahayd, MUUSE waa nin garnaqsada oo waliba gaadhi dhexdii ayay ahayd, haddii ay guri ama Huteel tahay khasaare ayaa dhici lahaa kkkkkkkk!!!!

Lasoco Qaybta 3-Aad oo aad u xiiso badan. Ramadaan Kareem!!!!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...