Maxaa Cumraan Khan ( Ra'iisal Wazaaraha Pakistan) Loo Doonayaa In La Casilo ?

0
Saturday April 09, 2022 - 10:39:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Cumraan Khan ( Ra'iisal Wazaaraha Pakistan) Loo Doonayaa In La Casilo ?

    W/Q: Cali Maxamed Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Maxamed Biixi

Muddo Dheer Waxa Uu Doonaayay Dalka Maraykanku In Uu Jagada Ka Qaado Ra'iisal Wazaaraha Dalka Pakistan (Cumraankhan) ,  Markii Ay Siyaasadiisu U Janjeedhsatay Dhinaca Ruushka Iyo China, Sida Dalka Turkiga Uu Sameeyay Oo Kale Oo Ay Pakistan Qaaday Talaabooyinka Siyaasadeed Ee Ay Qaaday Dalka Turkiga.

 

Dalka Pakistan Waxa Uu Xulafo La Ahaa Dalka Maraykanka Muddo Dheer , Waxaanay Ka Caawinaysay Dagaalkii Afghanistan.

 

Hadaba Iminka Oo Ay Dalalka Reer Galbeedka (Maraykanka) Ay Cunaqabatayntan Ku Soo Rogeen Dalka Ruushka,  Waxay Diiday  Dalka Pakistan (Cumraan Khan) In Ay Ka Qeyb Gasho Cunaqabatayntan,  Oo Weliba (Cumraan Khan ) Uu Booqasho Ku Tegey Dalka Ruushka Oo Uu Putin La Kulmay .



Arintaasu Iyo Booqashadaasu Aad Iyo Aad Bay Uga Cadhaysiisay Dalka Maraykanka.

Kadib Xisbigiisii ( Cumraan Khan ) Ayaa Laga Horkeenay Iyo Xisbiyadii Mucaaradka Oo Dhan Oo Isbahaystay .

Ka Dib Waxay U Ololeeyeen In Xilka Laga Xayuubiyo (Cumraan Khan) Ra'iisal Wazaarihii Dalka .


Isaguna (Cumraan Khan) Golihii Baarlamaanka Wuu Kala Diray , Kolkii Uu Madaxweynaha Dalka Pakistan Arinkaa La Qaatay.


Saddex Bilood Gudahoodna Waxaa Lagu Qabab Doonaa Doorasho Oo Uu Doonaayo Cumraan Khan In Baarlamaan Cusub La Soo Doorto . Oo Kuwa Ka Soo Horjeeda Ee Xisbigiisa Ah Ee Khaayimiin Ah Ay Doorashadaa Ku Hadhaan .Oo Markaa Kadib Uu Sameeyo Xukuumad Isagu Ku Kalsoon Yahay . Iyo Baarlamaank Xisbigiisu U Badan Yahay , Kolka Uu Soo Saaro Ceebaha Ay Sameeyeen Kuwa Xisbigiisa Ka Mid Ah Ee Dalka Iyo Xisbigiisa Khiyaameeyay .Ee Ay Dooradhada Baarlamaanka Ku Hadhaan .


Hadaba Mucaaradkii Maxkamadda Dalka Ayay Anbiil Ka Qaateen . Hadaba Xaalada Dalka Sidaas Ayay U Cakiran Tahay .

Hadaba Talaabada Xigtaa Tan ,

Maxay Tahay?

Cumraan Khan Ma Ku Guulaysan Doonaa ?

Mise Dalka Inqilaab Ayaa Ka Dhici Doona ?

Iyada Oo Inqilaabyo Badani Dalka Hore Uga Dhici Jireen :

Mise Wuu Ka Guulaysan Doonaa ?

Sida Uu Mr Ardogaan  (Madaxweynaha Dalka Turkiga) Uga Guulaystay Xissbiyada Mucaaradka Oo Dhan Ee Dalka Turkiga ?


Siyaasadii U Hirgalay Mr Ardogaan , Ma U Hilgeli Doontaa Cumraan Khan ?

Mise Ciidanka Dalka Ayaa Inqilaab Ku Samayn Doona Oo Uu Dalka Maraykanku Sidaas Uu Doonaayo

Waynu Eegi Doonaa Halka Uu Xaal Ku Danbeeyo. Maalmaha Soo Socda

 

 

Cali Maxamed Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...