Xukuumada Canada oo loogu baaqay taageerida dib-u-dhiska Suuqa Waahen

0
Saturday April 09, 2022 - 10:37:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Canada oo loogu baaqay taageerida dib-u-dhiska Suuqa Waahen

    Xildhibaan Arya ayaa sheegay in dhaqaalaha suuqa Waaheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Arya ayaa sheegay in dhaqaalaha suuqa Waaheen




Baarlamaanka dalka Canada ayaa soo jeediyey in la taageero hawlaha dib u dhiska suuqa Waahen iyo caawinta ganacsatadii hantidoodu ku baaba’day dabkii ka dhacay.



Fadhi shalay xildhibaanda Baarlamaanka Canada yeesheen ayuu Xildhibaan Chandra Arya oo hadal ka jeediyey sheegay inay masiibo weyn dab ah ka dhacday usbuucii hore Somaliland, oo suuqii Waahen ee Hargeysa ku baaba’ay.


Xildhibaan Arya ayaa sheegay in dhaqaalaha suuqa Waaheen ka ahaa ilaa konton guud ahaan dhaqaalaha Somaliland, isla markaana kumanaan qof ku caydhoobeen, siduu sheegay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md Jamaal Caydiid, isla markaana ku soo beegmay xilli abaaro ba’an ka taagnaayeen dalka.


Waxuu xildhibaan Arya u soo jeediyey xukuumada Canada inay qaado dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu caawinayo, isla markaana sida ugu dhakhso badan ugu taageeraan dhaqaalaha loo baahan yahay.


Waxuu kaloo uu bogaadiyey xildhibaan Arya dedaalada xildhibaanada Saaxiibada Canada ee Somaliland iyo jaaliyadda Somaliland dhaqaalaha ay ku bixinayaan dib u dhiska suuqa Wahen.

Loading...
Loading...