Xukuumada Oo Sii Daysay Wiil Ku Eedaysnaa Xidhashadda Dharka Somaliya
Xukuumada Oo Sii Daysay Wiil Ku Eedaysnaa Xidhashadda Dharka Somaliya
Hargaysa(HWN)Xukuumadda somaliland ayaa maanta Xoriyadisii u celisay Cabdiraxmaan Aar oo dhawaan ciidamadda amaanka somaliland ka soo xidheen suuqa hargaysa isaga oo ku labisan dhar ka samaysan calanka somaliya.
Cabdiraxmaan Aar oo ayaa mudo toddobaadyo ah xabsiga ku jira waxaana uu dhawr jeer ka soo muuqda maxkamadda gobolka maroodi jeex kuwaas oo ciidanka boolisku ay horkeneen si ay xadhigiisa maxkamadda ugu xalaalayso.
Cabdiraxmaan Aar ayaa guddoomiye u ahaa urur ay shegeen inuu la dagaalamayo qabyaaladda,waxaana ururkooda oo hadlay dhawr jeer ay shegeen inaanu dambi lahayn arinta ay ciidanku u xidheena ay tahay mid sharci daro ah.
Loading...
Loading...