Xisbiyadda Mucaaradku Dawlada Hoose ee Hargeysa ayay Dadka Kale Ka Xigtaysanayaan…."

0
Saturday April 09, 2022 - 09:44:35 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyadda Mucaaradku Dawlada Hoose ee Hargeysa ayay Dadka Kale Ka Xigtaysanayaan…."

    Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Arinta aan doonayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Arinta aan doonayo




Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Xisbiyadda Mucaaradka oo ay kaga hadleen Maamulida dib u dhiska Suuqa Waaheen ee ku shufbeelay dabkii ka kacay.



Cali Xasan Maxamed oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay wakhtigan lagu jiro in laga shaqeeyo Midnimo iyo wadajir, isla markaana aan loo baahnayn in Ummadda la kala qaybiyo.


Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Arinta aan doonayo in aan ka hadlo waxa weeye Suuqa Waaheen ee gubtay oo toddobaadkaa la gurmanayay Xisbiyada Mucaaradka waa hadlayeen, waxaanay abuurayeen khilaaf oo ay u durbaan tu mayeen, wixii la qaban karayay waa la qabtay, Dawlada hoose iyo dawlada dhexe ba. waxaanay dadka tusayeen in dadku qaybsan yahay wax aan jirin ayay ka sii digayeen, Xisbiyadda Mucaaradku Dawlada Hoose ee Hargaysa ayay dadka kale ka xigtaysanayaan. Duruufta aynu ku jirno waxa ay u baahantahay in qof kasta oo masuul ahi Midnimo iyo wadajir ka shaqeeyo”.


Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in aanay waxba tarayn in siyaasad laga dhex raadiyo wax kasta waxaanu yidhi "Waxba tari mayso in siyaasada laga dhex dayo oo qaybsanaan dadka lagu soo dhex tuuro, markii aanu Mucaaradka ahayn Madaxtooyadda iyo meelo qaraxyo waaweyn ayaa ka dhacay mawqifkii Maalintii Xisbiga Kulmiye istaagay waxa ay yidhaahdeen talaabo kasta oo Xukuumadda qaado waanu ku barbar taaganahay. Umaddana waxa ay ugu baaqeen in lays barbartaago Dawladda, Madaxtooyadda ayaanay tageen masuuliyiintii Xisbiga Kulmiye, dawlada hoose waxa ay ka tirsantahay Xukuumadda, Ciidamada qaranka oo dhimina waa u soo gurmadeen. Ciidamada Damdamiska maamul kooda dawlada dhexe ayaa gacanta ku haysa.


 dawlada hoose ee Hargeysa waa dawlada Hoose ee ugu badan ee kab qaata. Dawlada dhexe kabka waa dakhliga ay soo saarto Wasaarada Maaliyaddu. Baanka ayay waxa ay doonaan ka amaahdaan marka ay mashaariic fulinayaan imikaba ay ka amaahdeen, malaha dawladnimadii ayaa ka raagtay ee sida dawladanimada u shaqaynaysaa waa sidaa”.

Loading...
Loading...