Ganacsatada Somaliland Oo $8 Milyan Ugu Yaboohay Gurmadka Masiibadii Waaheen

0
Saturday April 09, 2022 - 09:29:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Somaliland Oo $8 Milyan Ugu Yaboohay Gurmadka Masiibadii Waaheen

    "Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay guddiga gurmadka suuqa Waaheen u dirtay lacag dhan 12 milyan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay guddiga gurmadka suuqa Waaheen u dirtay lacag dhan 12 milyan"

Waxaa xalay magaalada Hargeisa lagu qabtay kulan afur ah oo qaaraan loogu ururinayey masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen ee ku yaalla bartamaha magaalada, waxaana kulanku ka dhacay madaxtooyada, iyada oo ay kasoo qaybgaleen inta badan madaxda sare ee Somaliland iyo ganacsatada waaweyn.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in xafladdii afurka ahayd in lagu ururiyey qaadhaan lacageed oo gaadhaya illaa 8 million oo dollar oo ay ku yabooheen ganacsatada kala duwani.

 

Wasiirka Wasasaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Somaliland oo guddoomiye u ah guddida qaadhaan ururinta, ayaa sheegay in dawladdu ay xisaabta guddida qaadhaanka ee suuqa waaheen ay ku shubtay illaa $2,530,000 isagoo intaas sii raaciyey inay jiraan lacago ka soo gaadhay dawladaha jaarka ah oo lagu shubay xisaabta guddida qaadhaan ururinta suuqa waaheen.

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo martigeliyey kulankan afurka ah ayaa sheegay inay wadayaan qaadhaankan illaa laga gaadhayo laba bilyan oo dollar, wuxuuna u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay gurmadka suuqa waahen.

 

Dawladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay guddiga gurmadka suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa u dirtay lacag dhan 12 milyan iyo 700 kun oo dollar, sidoo kale waxaa socda qaadhaan ururin laga samaynayo meelo badan oo wadamada qurbaha ah si loo caawiyo dadkii hantidooda ku waayey suuqa waaheen.

 

Maayarka Caasimadda Hargeisa, Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in hantida ku baaba'day suuqa waaheen lagu qiyaasayo illaa 2 billion oo dollar.


Loading...
Loading...