Mas'uul Sare Oo British Ah Oo Lagu Haysto Inuu Qaatay Degannaashaha Maraykanka

0
Saturday April 09, 2022 - 09:13:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Sare Oo British Ah Oo Lagu Haysto Inuu Qaatay Degannaashaha Maraykanka

    "Xaaskiisa Murty - oo maalqabeen ah - ayaa dalbatay in laga dhaafo canshuurta UK"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xaaskiisa Murty - oo maalqabeen ah - ayaa dalbatay in laga dhaafo canshuurta UK"



Wasiirka maaliyadda ee UK, Rishi Sunak, ayaa haystay degaannashaha Maraykanka ee loo yaqaano Green Card, xitaa kadib marka uu xilkaa la wareegay, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay.


Rishi Sunak ayaa sharcigaas celiyay bishii October ee la soo dhaafay, ka hor inta aanu safar shaqo oo uu ku matalayay UK ku tegin Maraykanka.


Arrintan ayaa soo baxday kadib markii Sunak lagu qabsaday sababta aysan xaaskiisa u bixin canshuurta UK, maadaama ay dhakhli ballaaran ka hesho dibedda.

Wasiirka ayaa dadka dhaliilsan ku tilmaamay kuwo beegsanaya qoyskiisa.


Xilligii uu Sunak haystay sharciga Green Card, waxa uu bixin jiray canshuurta Maraykanka, "si uu u iliaaliyo shuruucda dalkaas" ayay sheegtay haweeneyda u hadashay.


"Markii uu safarka ugu baxayay Maraykanka isagoo ah wasiirka maaliyadda ee UK, waxa uu xukuumadda dalkaas kala hadlay waxa uu ka yeelayo sharcigiisa Green Card, kadibna waxa uu go'aansaday inuu degdeg u celiyo."


Sunak iyo xaaskiisa Akshata Murty ayaa guri qaali ah oo malaayiin dollar jooga ku leh dalka California, iyagoo muddo ku noolaa dalkaas ka hor inta aysan u wareegin UK halkaas oo Sunak loogu doortay xildhibaan metalaya deeganka Richmond sanadkii 2015.


Hantida xaaskiisa

Warbaahinta Sky ayaa markii ugu horreysay baahisay in Sunak uu sharciga Green Card haystay ugu yaraan sanad kadib markii loo magacaabay wasiirka maaliyadda sanadkii 2020.


Xaaskiisa Murty - oo maalqabeen ah - ayaa dalbatay in laga dhaafo canshuurta UK maadaama ay dhaqaalo ka hesho dibedda.


Murty ayaa sheegtay in yoolkeeda mustaqbalka uu yahay inay u guurto oo noolasheeda inta ka dhiman ay ku qaadato dalka Hindiya.


Sharci canshuur dhaafka ee non-dom ayaa u oggolaanaya Murty in aysan waxba ka bixin faa'iidada lagu qiyaasay 15 milyan oo dollar oo sanadkii uga soo xaroota saamiga ay ku leedahay shirkadda tiknoolajiyadda ee uu aabaheeda sameeyay.


Marwadan u dhaxda wasiir Sunak ayaa ku doodaysa inay canshuur ku bixiso dalal kale oo aanay shaacin.


Falcelinta

Ra'iisal wasaare Boris Johnson oo su'aal laga weydiiyay sharciga Maraykanka ee uu haystay Sunak ayaa ku jawaabay: "Fahankeygu waa in wasiirka maaliyadda uu sameeyay wixii looga baahnaa."


Hase yeeshee Pat McFadden oo xisbiga mucaaradka ee Labour u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegay in Sunak looga baahan yahay inuu ka jawaabo su'aalo muhiim ah.


"Maxay tahay sababta uu mudada dheer u haystay sharciga xitaa isagoo ah xildhibaan UK? Muxuu markii dambe u celiyay? Ayuu weydiiyay McFadden.


Wasiirka maaliyadda ayaa shahaadada master-ka ee maamulka ganacsiga ka qaatay jaamacadda Stanford ee gobolka California sanadihii 2004 ilaa 2006. Halkaa ayay isku barteen xaaskiisa Murty oo uu dhalay bilyaneer Hindi ah. Rishi Sunak iyo Akshata Murty ayaa aqal galay sanadkii 2009, waxaana ay dhaleen laba gabdhood.

 

BBC

Loading...
Loading...