Mareykanka oo Walaac Ka Muujiyey Gabood-fallada ka dhacay Itoobiya

0
Saturday April 09, 2022 - 08:30:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Walaac Ka Muujiyey Gabood-fallada ka dhacay Itoobiya

    Mareykanka oo Walaac Ka Muujiyey Gabood-fallada ka dhacay Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo Walaac Ka Muujiyey Gabood-fallada ka dhacay Itoobiya


Hargeisa(HWN):-Maraykanka ayaa Jimcihii walaac ka muujiyay wararka sheegaya gabood-fallo ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya intii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay ciidmada dowladda Itoobiya oo kaashanaay maleeshiyaadka Amxaarada iyo Jabhadda TPLF.
Tigray: The AU failed Ethiopia, while US calls the shots


Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay aad uga walaacsantahay in kumannaan Itoobiyaan ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigray-ga lagu soo warramayo in ay weli si sharci darro ah ugu xiran yihiin galbeedka Tigray, iyada oo noloshoodu halis ku jirto.

Waxa uu Price sheegay in Maraykanku uu "aad uga xun yahay” natiijooyinkii dhawaan ay si wadajirka ah u soo saareen labada hay’adood ee hormuudka ka ah xuquuqul insaanka ee Amnesty International iyo Human Rights Watch, taas oo lagu ogaaday in rabshadaha gobolka ka dhacay ay ahaayeen isir sifeyn.

Warbixintu waxay soo bandhigtay tacadiyo ay gaysteen ciidamada gobolka Axmaarada oo gacan ka helaya ciidamada dowladda iyo kooxo maleeshiyaad ah, iyada oo intaa ku dartay in boqollaal rayid ah oo ku nool galbeedka Tigray lagu khasbay in guryahooda ay ka baxaan, loona geystay hanjabaad, xadgudub galmo, hor istaag gargaar iyo dil aan sharci ahayn.

Waxa kale oo ay warbixinta hay'adahan muujinayeen caddaymo dhimasho ka dhacday xabsiyada galbeedka Tigray iyo kufsi wadareed ay geysteen ciidamada ammaanku.

Dowladda Itoobiya, ayaa iyana sheegtay inay si taxadar leh u baari doonto warbixintan, waxa ay sidoo kale ku dhaliishay in warbixintu ay hal dhinac u janjeedha.
Loading...
Loading...