BUNKA IYO SOONKA (Qaybta Koowaad)

0
Friday April 08, 2022 - 17:57:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BUNKA IYO SOONKA (Qaybta Koowaad)

    W/Q: Kamaal Marjaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kamaal Marjaan

169.63 Milyan oo kiish oo bun ah, midkii kastaana 60 KG yahay ayaa sannad kasta lagu cabbaa dunida, waxa uu u dhigamayaa 10.1 milyan oo ton. Maadaama oo xilliga soonka uu is beddelo nidaamka cunto ee qofku, waxa aynu qormadan ku eegaynaa aragtida dhakhaatiirta ee caafimaadka iyo bunka xilliga soonka.



WAQTIGA KU HABBOON CABBISTA BUNKA?

- Waqtiga ugu fiican ee xilliga Ramadaan bunka la cabbi karaa waa laba saacadood kaddib afurka, waa marka uu jidhku helo biyo, timir iyo cunto ku filan, kaddibna uu si fiican u soo ceshado firfircoonidiisa.


- Dhakhaatiirtu kuma talinayaan in bunka la cabbo saacadaha dambe ee habeenkii, waayo hurdo la’aan ayaa uu keeni karaa.


DINGIIN

- In bunka la cabbo isla marka la afurayaa ma’aha fikir fiican, waayo maadadda ku jirta ee Kaafiyeen (Caffeine) waxa ay kor u qaaddaa in caloosho ay soo saarto asiidh, sidaas awgeed xilligan oo la cabbaa waxa ay keentaa calool olol ama cillad caloosha ah.


- Xilliga afurka cab biyo, jidhka cokonaysiiyo, kana soo kaba engaggii maalinnimo.  Bunku waxa uu badiyaa kaadida sidaas awgeed marnaba ma caawinaya in jidhku uu cokonaado.


- Haddii aad leedahay xaaladda gaasteri ee keenta in asiidha  calooshu hunguriga ku soo noqoto (Gastroesophageal reflux disease – GERD), bunka oo aad isla afurka raacisaa waxa uu sii badin karaa xaaladdaas.

 

W/Q: Kamaal Marjaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...