Magaca Taxanahan: Madaxtooyadeena Xarshin!!

0
Friday April 08, 2022 - 15:41:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaca Taxanahan: Madaxtooyadeena Xarshin!!

    "Odayga iskumaanu cusbayn, dhawr jeer oo hore ayuu xidhiidh na dhex maray."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Odayga iskumaanu cusbayn, dhawr jeer oo hore ayuu xidhiidh na dhex maray."

Sheekaba sheeko ayay keentaaye, waxaa taas inoogu xigta qiso kale oo aniga iyo Mujaahidka na dhex martay inyar ka hor Doorashaddii Madaxtinimada 2017-kii, isla wakhtigii garbaha laga yaacayay ee lalahaa "kabaneeya Madaxweynaha dhaartuuni u hadhsan tahay".



 Qisaddani oo runtii ludh iyo Xiise wadata Islamarkaanna, aan badka soo dhigi doonno weedho aan markaa u haystay kaftan iyo iska tidhaale oo na dhex maray balse ah Casharo tukube u ah Hogaaminta maanta.


Waa Salaaddii Jimce kadib, waxaanu kasoo wada baxnay Masjidka Garoonka  Dhalintan xagga Xafiiska KULMIYE ka xigga, waxaan watay gaadhi NOOHA ah oo caddaan ah, oo aan maalintaas Jimcaha ah kusoo maydhay Kaalinta Gaaffane ee Galbeedka Hargeysa, taasi oo markii aan ka imid aan dirqi Salaadda Jamaca ee Jimcaha aan kaga gaadhay Masjidkaasi oo jidka ku dhawaa.


Odayga iskumaanu cusbayn, dhawr jeer oo hore ayuu xidhiidh na dhex maray. Haddaba Markii Salaadda laga soo baxay ayaa waxa uu ka mid ahaa Mujaahidku, dad socod lugta ah uga soo dhaqaaqay dhinaca Huteel Guulleed oo masaafo dhaw ujira Masjidka. Maan arkayn anigu, oo intii masjidka aan joogay Ishaydu may qaban, niyaddana kumaan haynin, ee anna waxaan gaadhigayga usoo dhaqaajiyay isla Xagga jidka weyn ee Guulleed hor mara aniga oo dhaqaaq joogsanaya, waayo, dadka luggaynaya ee aan Salaadda kasoo wada baxnay ayaa jaam ka dhigay Suqduudka yar ee Gidaarka Garoonka dhalinta, oo waliba laab laabad ah. Waxaan usii jeedda dhinaca Xaafadda ama gurigayga oo dariiqani taggo.


Markaan la simanahay Fooqa Daarasalaam ee kasoo horjeedda Guuleed Huteel, islamarkaana aan damacsanahay inaan jidka weyn ee laamayda ah ku dhaco, ayaa waxa si kadis ah dadkii iga horeeyay kasoo dhex noqday oo xagayga usoo jihaystay nin dheer oo khamiis cad ku labisan, waxa uu si toos ah ugu soo dhaqaaqay wajahadda Gaadhigayga isagoo hadlaya oo leh "istaag waryaa, iga fur daaqadda, dib inoo celi, waxaa mar qudha xagayga soo wada qooraansiyay Garab, hore iyo barbaryaacii oo aan markaa kasii garanayo Cali Cumar Guuleed, Xildhibaan Cabdilaahi Gacmo-dheere iyo rag badan oo kale, kuwaasi oo ay kedis ku noqotay go'aanka deg degga ah ee Madaxweyanaha dhaartu u hadhay dib u celiyay, islamarkaanna ku kaliftay inuu Fuullo Gaadhi aan kiisii ahayn.


Daaqadda ayaan deg deg uga furay, aniga oo leh "haye Madaxweyne, soo kor Madaxweyne".

Markii uu soo koray kursiga hore ee agaadhiga  ayaan ku idhi, xaggeen ku geeyaa. Ima garanayo sidaan illaa hadda aaminsanahay, ilaa aan isku sheegay, mar qudha ayuu isha wada mariyay Gudaha gaadhiga balse waxa uu aad u fiiriyay Bakoorad weyn oo labada kursi ee hore dhex taalla, oo markii gaadhiga la maydhayay lagasoo saaray halkii ay lahayd. Gaadhiga Beersool kumay xidhnayn, oo marka horeba waa uu iska arkayay inaanay cidi saarnayn oo aan keligay ahay.


Halkaasi ayay sheekaddu nooga bilaabantay........ lasoco afurka kadib Insha Allah.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...