'' Hunguri Haduu Ku Qaado , Talana Waa Laggu Daraa (Murti Soomaaliyeed ) ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje.

0
Thursday May 30, 2019 - 11:22:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Hunguri Haduu Ku Qaado , Talana Waa Laggu Daraa (Murti Soomaaliyeed ) ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje.

    Sidda sheekadani inagu soo gaadhay waaggii Soomaalidu fardaha ku dagaalami jirtay ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidda sheekadani inagu soo gaadhay waaggii Soomaalidu fardaha ku dagaalami jirtay , gaadiidka dagaalkuna gamaanka ahaa , ayaa Ceelka Debis loo yaqaano oo ku yaala meel u dhaxaysa Magaalooyinka Cadaadley iyo Dacar-budhuq laba col isku fara saareen .

 

Faltankii labadda col faltamayeen markii in muddo ah la is rogroganayay ayaa colkii duulaanka ahaa oo u socday in ay qaadaan geelal ceelka ka cabayay la jebiyay , dabeetana waxaa la is baacsaday .

 

Iyadoo sidaa labadii col isu daba ordayaan ayaa dabeeto waxaa dhacday in faras aad u qiime badan oo colka jabay nin ka midi watay uu ninkii waran ku dhacay , ka dibna faraskii inta uu xakamihii iyo ninki hoos galeen ay isku marmeen .

 

Ragii fardooladay ahaa ee colka kale ayaa nin waliba ku taamay in uu faraskaa maanta gacanta ku dhigo oo aanu seegin , maxaa yeelay waagaas farduhu qaali bay ahaayeen .

 

Hasa yeeshee dhib baa jirta , meeshu waa buuralay , dhabe ama wadiiqo yar oo cidhiidhiya ayaana la marayaana ,sidaa darteed fardo badani isma barbar socon karaan in ay is daba socdaan mooyaane , faraska loo baratamayaana wuxuu joogaa doox ka shisheeya halka farduhu soo roorayaan .

 

Xirib iyo xeelad waxay ku timiba waxa wadadii yarayd ku guulaystay in ay cagta saaraan labba Faras oo kala horeeya , fardihii kalena wadadii way ka xidheen .

 

Halkaa markay marayso , ayaa nin fardo fuula oo la odhan jirey Geela Cismaan sharmaarke kuna magac dheeraa geela qoodane oo labadan faras ka horeeyaan faraskiisa , in uu faraska furtana kula baratamayay ayaa wuxuu arkay Dooxa lagga talaabayo geed wayn oo qudhac ah oo ku yaalaa in uu ka kakooban yahay labba laamood oo waawayn oo isku baxay, dhexdoodana meel yari ka banaan tahay , meeshaas oo hoostana jiridii geedku ka hoosayso , dusheedana labadii laamood oo isku marani ku wareegsan yihiin , ka dibna rag tallo kama dhamaatee wuxuu guustay in uu faraska soladaa yar ka dusiyo , oo intuu bogga ka galo faraskana sidda hilaaca uga boodsiiyo .

 

Dabeeto ninkii Geele intuu faraskiiskiisii sadex ku xagay ayuu fardihii ka horeeyey ee dhabaha hayay barbar eryey faraskiisii, dhabihiina intuu uga baydhay uu isku qaaday dhirtii dooxa ku shareerayd ,ka dibna iyadoo lala yaaban yahay meesha ninkani ku roorayo wadadiiba ka baydhay ayuu mar kaleya faraskii hoosta ka galay kuna sii daayay geedkii qudhacaha ahaa ee isku maray , ka dibna faraski intuu sidda haada duuley ayuu mar keliya soladii yarayd ee jirida iyo laamaha u dhaxaysay sidda xabada uga dusay , geelana bogga iyo beerka ayuu sidda maska iskaga duuduubay .

 

Faraski iyo geele markay geedkii ka dhex baxeena waxay u baxeen badhtamihii dooxa , ka dibna waxay uga gudbeen dhinacii kale ee farasku taagnaa , dabeeto geele intuu faraskii ku booday buu yidhi '' cadkayga lay iyo waan la hadhi jirey'' .

 

Col waynihii oo labadii faras ee geela soo dhaafay ugu horeeyaan markay goobtii soo gaadheena waxay ugu yimaadeen geele oo faraskii taxaabay , dabeeto oday colka la socday oo la odhan jirey Diiriye Axmed ayaa ku yidhi murtidan caanka noqotay ee ah , geeloow hunguri haduu ku qaado talana awa laggu daraaye , naftaadii iyo faraskaagiiiba halis baad gelisay . murtidaasina sidaas ayay ku baxday .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...