Turkiga Oo Go'aan Aan La Fileynin Ka Qaatay Kiiska Dilka Jamal Khashoggi

0
Friday April 08, 2022 - 15:19:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Go'aan Aan La Fileynin Ka Qaatay Kiiska Dilka Jamal Khashoggi

    "Maxkamad ku taalla Sucuudga ayaa xukun ku riday sideed qof"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maxkamad ku taalla Sucuudga ayaa xukun ku riday sideed qof"

Waxaa la hakiyay maxkamadeyn ka socotay dalka Turkiga oo ka dhan ahayd 26 u dhalatay Sucuudiga oo ku eedeysnaa dilka weriye u dhashay Sucuudiga Jamal Khashoggi. Maxkamadeynta ayaa ka socotay Istanbul tan iyo sanaddii 2018-kii.



Garsooraha ayaa sheegay in gal dacwadeedka lagu wareejin doono Sucuudi Carabiya oo horay u diiday inay eedeysanayaasha ku soo wareejiso Turkiga.


Jamal oo u shaqeyn jiray Wargeyska Washington Post ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga. Dilkaasi oo ay gaysteen masuuliyiin ka tirsan dowladda Sucuudiga ayaa keenay caro ballaaran oo caalami ah.


Maxkamad ku taalla Sucuudga ayaa xukun ku riday sideed qof oo aan la magacaabin sanaddii 2019.

Go'aanka garsooraha ayaa yimid ka dib markii wasiirka cadaaladda ee Turkiga u sheegay inuu aqbalay dalab ka yimid dacwad soo oogaha oo ahaa in la joojiyo maxkamadeynta maadama aysan eedeysanayaasha joogin Turkiga. Dacwad qaadaha waxa uu sheegay in masuuliyiinta Sucuudiga ay ballan qadeen inay eedeymaha loo haysta raggani ay qiimeyn donaan marka lagu wareejiyo.

 

Go'aanka waxaa si kastaba ha haatee aad u cambaareeyay dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka.

 

Hay'adda Amnesty International ayaa ku tilmaantay go'aan siyaasadeed.


BBC

Loading...
Loading...