WADDANI Oo Ka Digay In Maamulka & Dib U Dhiska Suuqa Waaheen Lagu Faro-geliyo Dawladda Hoose

0
Friday April 08, 2022 - 14:54:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WADDANI Oo Ka Digay In Maamulka & Dib U Dhiska Suuqa Waaheen Lagu Faro-geliyo Dawladda Hoose

    "Waa in dib u dhiska suuqa Waaheen iyo maamulkiisa loo daayo Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa in dib u dhiska suuqa Waaheen iyo maamulkiisa loo daayo Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa"

Hargeysa (HWN) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, soo jeediyey in baadhitaan lagu sameeyo sababta rasmiga ah ee dhalisay dabkii baa’biiyey suuqa weyn ee Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

 

Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu soo jeediyey gacmaha la isku qabsado taakulaynta dadka ku hanti waayay suuqa Hargeysa, isaga oo ku baaqay in la sameeyo gudddi baadha sababta dabka dhalisay iyo guddi tirakoobta hantida burburtay.

 

Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Shalay Hargeysa warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in dhamaan reer Somaliland ka midaysan yihiin taakulaynta dadkii ku hanti beelay dabka suuqa Waaheen "Habeenkaa waxaynu ka midaysnayn ilaa haddana ka midaysanahay, mucaarad iyo muxaafad, ciidan iyo shacab sidii dadka caydhoobay ee hantidoodii halka ku gubatay loogu gurman lahaa, maantana, dib u dhiskooda, xoolayntooda iyo ka soo kabashadooda looga qayb qaadan laha” ayuu yidhi Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro.

 

Musharaxa ayaa soo jeediyay in lala shaqeeyo isla markaana wixii kaalmo ah lagu soo hagaajiyo guddida ay xukuumadu magacowday, waxa kale oo uu soo jeediyay in la aasaaso guddi baadha sababta dhalisay dabka iyo guddi diwaan galisa hantida ku burburtay suuqa.

 

Musharaxa ayaa sidoo kale ku baaqay in howsha dib u dhiska suuqa Waaheen faraha looga qaado Dowladda Hoose ee Hargeysa, oo uu sheegay in sharcigu farayo oo ay masuuliyadeeda tahay "Waxaanu u soo jeedinaynaa Guddiyada suuqa Waaheen, inay abuuraan Guddi baadhiseed oo Heer Qaran ah oo baadha Dhibka baaxaddiisa, waxa sababay dhibta iyo sida looga hor-tagi karo mustaqbalka Masiibadan oo kale, waxa kale oo aanu ku baaqaynaa in la sameeyo Guddi si qoto dheer u qiimaysa oo u baadha dhaqaalaha Baaxadda leh ee inaga burburay, isla-markaana diwaangelisa Dadka Hantidoodu ku baaba’day..” ayuu yidhi, waxaanu intaa u daray "Golaha degaanka Hargeysa ee la doortay oo dedaalaya waxaan u soo jeedinayaa in Ganacsatadii suuqa Waaheen loo geliyo goobo ku meel-gaadh ah oo ay Ganacsigooda ku sii wataan, gaar ahaan bisha Ramadaan, inta suuqa dhismihiisa iyo qorshihiisa la wado. Waxa Maalmahanba dhagaha Bulshada ku soo dhacayey inuu bilaabmay khilaaf laga baaqsan karo, balse laga yaabo in dadyow dano lihi ay dabada ka riixayaan, kuwaasi oo tilmaamaya Cidda hawsha dib u dhiska suuqa Waaheen gacanta ku haynaysa isla-markaana Masuuliyaddeeda qaadaysa, taana waxaan leeyahay innaga oo ah waddan sharci leh waxaa ceeb iyo dheg-xumo ah in maanta Suuqa Waaheen dib u dhiskiisa la Siyaasadeeyo oo la carqaladeeyo, arrinkaas waanu ka digeynaa mana aha mid la qaadan karo, sidaa darteed waa in dib u dhiska suuqa Waaheen iyo maamulkiisa loo daayo Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, dawladda Dhexe ee JSL-na qaadato doorka shuruucdu siinayso..”


Loading...
Loading...