Waari Mayside War Ha Kaa Hadho Cabdiraxman Maxamed Maal (1958 ILAA 26-April-2021 )

0
Wednesday April 06, 2022 - 17:39:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waari Mayside War Ha Kaa Hadho Cabdiraxman Maxamed Maal (1958 ILAA 26-April-2021 )

    Qaybta 1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta 1aad

Taariikh Nololeedka Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maal Oo Ku Geeriyooday Dalka Hindiya laguna aasay maanta isla dalkaasi Iyo Doorkii uu ku lahaa Dib udhiska Jamhuuriyada Somaliland.

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Alle ha u naxariistee waxaa maanta dalka Hindiya lagu aasay Gudoomiyihii Jaamacada Alpha Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maal oo door laxaadle ka soo qaatay dib u dhiskii jamhuuriyada Somaliland isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii soo maray Somaliland .

 

Marxuumka ayaa dhawaan xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Hindiyo oo uu shalay ku geeriyooday , hadaba Halkan waxaanu Idiinku soo Gudbin doonaa Taarikh nololeedkiisii Oo kooban ;

 

Alle naxariistii jano haka waraabiyo e marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maal, Waxa uu kamid ahaa Aqoonyahankii reer Somaliland ee doorka weyn ku lahaa dib udhiskii Somaliland gaar ahaan Dhinaca Waxbarashada Somaliland .

 

Marxuum Cabdiraxmaan ayaa Sanadii 1958kii  ku Dhashey Degmada Arabsiyo, Waxaanu Waxbarashadiisii, Quraanka Dugsiga Hoose iyo Dhexe ku Qaatay Degmada Arabasiyo Markii uu Dhamaystay Waxbarashadiisii Dugsiga Sare oo uu Ku Qaatay Dugsiga Sare ee Timacade/Qalax Gabiley Waxa uu Galay Jaamacadii Lafoole, oo Ku Qaatay Kuliyada Waxbarashada.



Mudo Dheer ayuu Kusoo jirey bahda waxbarashada iyo xayndaabkeeda Alle naxariistii jano hasiiyee marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maal, oo #Maal loo Yaqaanay, Waxa uu Soo qabtey Xilalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Waxbarashada, Beeraha, iyo Qoyska Laga soo Bilaabo Sanadii 2003 dii Xukuumadaii Madaxweyne Daahir Rayaale ilaa Sanadii 2010kii oo uu Hayay Xilkaasi.

 

Mudadii intaa ka Dambaysayna Waxa uu marxuumku ku  jirey bahda waxbarashada isagoo door weyn ku lahaa aasaaska iyo geedi socodka Jaamacada Alpha Universty, oo uu markan u dambyasay Gudoomiye ka ahaa.

 

Marxuum Maal Waxa uu Kamid ahaa dadka qunyar socodka ah ee aad ugu kooban hawlihiisa , intii ugu badnaydna wakhtigiisu galay waxbarashada iyo tacliinta , Alle  naxariistii jano haka waraabiyo ...

 

Shalay ayuu Ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu xaalad caafimaad u joogay mudo dhaweyd,  oo ilaa bilo ah , halkaasi oo Isla maanta lagu aasay...

La soco....

Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...