Hadal iyo Hawl Nin kaa Xigo, Midna Lama Horarsaddo.

0
Wednesday April 06, 2022 - 09:43:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadal iyo Hawl Nin kaa Xigo, Midna Lama Horarsaddo.

    W/Q Garyaqaan Xasan Maxamed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Garyaqaan Xasan Maxamed.

Waa Hawraar Soomaaliyeed oo maanta oo kale munaasib ku ah. Dadkii masiibaddu dadbku ku dhacday in siyaasad iyo munaafaqad laga dayo maaha. Hawsha cid baa u xil saaran, shaqadii loo dirayna way wataan oo maalin iyo habeen shir iyo gorfayn iyo shaqo ayay ku jiraan. Haddaanad waxba ku tarayn, dhibkaaga uun haka amaan heleen, waana Ramadaane, munaafaqadda iyo beenta cad ee lala wareegayo ee dadka lagu kala dilayo hala joojiyo oo dadkuna Ilaahooda haka baqeen.



Inta hawsha ku jirta waan u ducaynaynaa, in Ilaahay xilkaa ku asturo, inteena kale, haddii aad wax ku tarayso si bilaa buuq ah,  tabarucaaga ku darso, hadaanad waxba ku darayn jooji qoraalada iyo faalooyinka been abuurka ah iyo hadaladda hadoofka ah ee aan haddimo mooyee, hawsha taala waxba ka tarayn!!


Garyaqaan Xasan Maxamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...