" Yaa Dhisey Suuqyadda Hargaysa " Xildhibaan Guruje

0
Tuesday April 05, 2022 - 17:08:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Yaa Dhisey Suuqyadda Hargaysa " Xildhibaan Guruje

    Si kastaba ha ahaatee wasaaradda hawlaha guud waajibkeedu waa diyaarinta nashqadda guud ( master plan )

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si kastaba ha ahaatee wasaaradda hawlaha guud waajibkeedu waa diyaarinta nashqadda guud ( master plan )

Suuqa waaheen oo ku burburey dagaaladdii wadanka ka dhacey oo dunsanaa ilaa 1999 waxaa dhisey oo dib u furey maayarkii magaaladda Hargaysa ee waagaas cawl cilmi cabdale .



Cawl cilmi oo ay is kaashanayaan gudidii bacadlayaasha ayaa dib u dhisey 340 gurri ee bacadlaha waaheen , ka dibna qaybiyey oo mid walba qofkii lahaa siiyey.


Dhinaca kale maayar cawl cilmi cabdale alle ha u naxariistee isagaa dhisey suuqa gobanimo , magaca goboninamana isagaa bixiyay , isagoo sheegey in taallo astaan u ahayd xiriyadii 1960 ay goobtaas ku ooli jirtey .

Dhinaca kale suuqyadda xaafadaha hargaisa sidda suuqa inji , qudhacdheer iyo sheekh nuur dawlada hoose ayuunbaa dhistey .


Si kastaba ha ahaatee wasaaradda hawlaha guud waajibkeedu waa diyaarinta nashqadda guud ( master plan ) dawladda hoosena waa qorshaha magaaladda ( town plan ) sidaa darteed fulinta waxaa leh dawladda hoose , wasaaradda hawlaha guudna checking ayay leedahey , wax madmadowa oo doorka labadaas haayadood ku jiraana ma jirro waa laba haayadood oo is kaabaya isna dhamaystiraya , dadku buuqa ha iska daayeen soonkoodana ha ilaashadaan .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...