Sidee Loo Diwaan Gelin Karaa Ganacsatadii Waaheen Ee Meheraduhu Ka Gubteen? ( Registration System)

0
Tuesday April 05, 2022 - 14:36:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Loo Diwaan Gelin Karaa Ganacsatadii Waaheen Ee Meheraduhu Ka Gubteen? ( Registration System)

    Waxa Qoray Mohamed Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Qoray Mohamed Cabdi

SIDEENA LOO HUBIN KARAA IN QOFKANI YAHAY QOFKII KHASAARUHU GAADHAY?



1. Magaca qofka ganacsadaha oo sadexan

2. Jinsiga ganacsadaha  lab ama dhedig

3. Dada qofka ganacsadaha ah

4. Degmada uu deganyahay

5. Goobta uu kaga ganacsan jiray suuqa waaheen

6. Nooca ganacsigiisu ahaa tusaale ahaan maryo, weel, khudaar, hilib ama bagaash!

7.Goorta uu bilaabay ka ganacsiga suuqan?

8. Hantidii dhextaalay intaanay guban meheradu maxay kala ahayd

  a) alaab

   b) lacag $

   c) lacag shilling

    d) dahab

    e) nooc kale: sheeg


6. Telephone numberka qofka ganacsadaha?

7. Ma guribuu ku ganacsanayaymise wado?

8.  Goobta uu ku ganacsanayay ma isaga lahaa mise kiro ayay ahayd.

9. Haday kiro ahayd yaa kaa kireeyay?

    Dawlada

    Shaqsi

10. Xaalada guur ee qofka

      Xaas

      Doob

11. Hadaad xaasleedahay caruur ma leedahay?

12. Haday haa tahay jawaabtu waa imisa?

13. Qoyskaaga ma adiga ayaa quudin jiray/biilin jiray?


SIDEE LOO HUBINKARAA QOFKA (VERIFICATION SYSTEM)

1.in Gudii suuqa waaheen dhamaantood la soo fadhiisiyo qofkastana la xaadiriyo magiciisa uuna istaago dadka hortooda (public verification)


2. Qofku haduu kirayste ahaa inuu keeno kiradii uu bixiyay sanadkii ugu dambaysay( haduu zaad ama edahab ama bank account ku bixin jiray).

3. Qofkii ka kireeyay numberkiisii inuu keeno si loo xaqiijiyo

4. In dawlada hoose ama ta dhexe laga eego system kooda qofkan cashuurtii ugu dambaysay ee uu bixiyay.

5. In la weydiiyo magaca meheradii ku xigtay iyo cida lahayd?

6. Hantidii ka gubatay imisay ahayd oo ilaahay kugu ogyahay!

5. Ugu dambayn in kitaab lagu dhaariyo inuu meeshan isagu ku ganacsan jiray hantidiisuna intaas uu sheegay ahayd!


Walow aanan dhiirigelinayn in sidan la sameeyo. Aniga oo ka duulaya  Qofka Muslimka ahi been masheego!

TALO SOO JEEDIN!


waxaan soo jeedinayaa in la sameeyo number cabasho oo qofkii wax tabanayaa soo garaaci karo mudo cayimana la sheego oo cabashada laqabanayo!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...