Xilliyada Lammaanaha Muslimka Ah Galmadu Ka Reebantahay Bisha Ramadaan

0
Tuesday April 05, 2022 - 10:37:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilliyada Lammaanaha Muslimka Ah Galmadu Ka Reebantahay Bisha Ramadaan

    W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

1. MARKA LAMMAANUHU SOOMANYAHAY BISHA RAMADAAN:

 

Bisha Ramadaan waa Bisha Sagaalaad (9) ee taariikhda Sannadka Islaamka, xilligaas oo uu Ilaahay (S.W.T) ku waajibiyay Muslimiinta inay soomaan laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax dhaca (qorrax libidhka) ee maalinkasta ee Bisha Ramaadan. Sayga iyo oorida Muslimka ah waxaa ka mamnuuc ah ama ka reeban inay isu tagaan oo isu galmoodaan maalintii marka ay soomanyihiin Bisha Ramadaan laakiin waxaa mubaax ah ama la oggolyahay inay isu galmoonkaraan habeenkii sida cuntadaba loogu oggolyahay.

 

Bilowgii Diinta Islaamka, waa ay reebanayd in la isu galmoodo Bisha Ramadaan habeen iyo maalinba. Waxaa dhacday in Muslimiinta qaar jebiyeen amarkii Ilaahay (S.W.T) ee ahaa inaan xataa habeenkii la isu galmoon Bisha Ramadaan iyaga oo naftooda khiyaamaynayana sameeyeen galmo habeenkii. Allaah (S.W.T) inta uu cafiyay isla markaana ka aqbalay toobada kuwii gefay ee khiyaameeyay naftooda ayaa waxaa uu Raxmadiisa ugu oggolaaday Muslimiinta (sayga iyo oorida) inay samaynkaraan galmo habeenada Bisha Ramadaan.

 

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: "Waxaa la idiin baneeyay habeenka soonka inaad u galmootaan haweenkiinna (xaasaskiinna). Waxay idiin yihiin (haweenku) hu', idinkuna waxaad u tihiin hu'. Ilaahay waa ogyahay inaad khiyaamayseen naftiinna, waana idanka aqbalay toobada oo idin cafiyay. Laga bilaabo imminka u galmooda haweenka (xaasaska habeenkii) oo doona waxa Ilaahay idiin qoray (oo ubad ah), oo cuna oo cabba ilaa khadka cad ee waaberigu idiinka cadaado khadka madow (waa kala guurka khadka madow iyo khadka cad ee waaberiga), dhammaystirana soonka ilaa gabbal-dhaca (ilaa qorraxdu dhacdo).” [Suuradda Al-Baqara, Aayadda: 187].

 

Abu Hurayra (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Ilaahay (S.C.W) inuu yidhi: "Ilaahay waxaa uu yidhi camalkasta oo Ibnu Aadamku sameeyo isaga ayaa leh marka laga reebo soonka oo aan Anigu leeyahay, Aniguna ka abaalmariyo. Soonku waxaa uu gaashaan ka yahay Cadaabta iyo dembiyada. Hadii mid idanka mid ah soomanyahay, waa inuu ka fogaadaa galmada ooridiisa, dagaalka, haddii qof la dagaallamana uu dhahaa: 'Anigu waan soomanahay'. Waxaan ku dhaartay Ka nafta Nebi Muxammad ku jirto Gacantiisa, urta aan fiicnayn ee ka soo baxda afka qofka sooman waxay Ilaahay Agtiisa ka udgoon badantahay miskiga. Qofka sooman waxaa uu leeyahay laba (2) farxadood, farxad waa marka uu afurayo, farxadda kalena waa marka uu la kulmayo Rabbigiis, halkaas oo uu Raalli-Ka-Noqonayo soonkiisa awgii." [Saxeex Al-Bukhaari 1904, Saxeex Muslim 1151].

 

Haddaba, ma jiro wax dembi ah oo ku sugan haddii saygu u galmoodo ooridiisa habeenada Bisha Ramadaan. Saygu waa uu dhunkankaraa ooridiisa marka uu soomanyahay iyada oo ay ka reebantahay wax galmo ah labadaba (sayga iyo oorida). Laakiin haddii uu u malaynayo in aanu xukumikarayn damaca galmo-jacaylka naftiisa isla markaana ka baqayo inuu dembi ku dhaco, waa in aanu u dhawaan jidhka ooridiisa inta ay soomanyihiin.

 

Haddii sayga iyo oorida kas ama ulakac u sameeyaan galmo iyaga oo sooman bisha Ramadaan, waxaa midkastaba ku waajibaya laba bilood oo uu soomo (60 maalmood) ama quudinta lixdan (60) qof oo masaakiin ah.

 

Xafsa, ooridii Rasuulka, (R.C) waxay soo werisay oo tidhi: "Rasuulka Ilaahay (S.C.W) waxaa uu dhunkaday (xaasaskiisa) isaga oo sooman." [Saxeex Muslim 1107].

 

Caaisha , Hooyadii Mu'miniinta, (R.C) waxay soo werisay oo tidhi: "Rasuulka Ilaahay (S.C.W) waxaa uu idhukanjiray isaga oo sooman iyo aniga oo sooman." [Sunanka Abu Daawuud 2384, saxeex].

 

Caa'isha (R.C) waxaa kale oo ay soo werisay oo tidhi: "Rasuulka Ilaahay (S.C.W) waa dhunkanjiray waana salaaxijiray (xaasaskiisa) isaga oo sooman, qofkastana waa ka xakamayn ogaa afartiisa (4) waaxood." [Jaamic Tirmidi 729, saxeex].

 

2. WAQTIGA HABEEN-Ku-NEGAANSHAHA MASJIDKA (ICTIKAAFKA)

 

Xilliga Habeen-ku-negaanshaha ama Habeen-ku-dhaxa masjidka waa waqti gaar ah oo qofka Muslimka ah ku negaado masjidka habeenkii si uu u caabudo una baryo Ilaahay (S.W.T), qalbigiisana ugu gaar yeelo xuskiisa iyo cibaadadiisa. Habeen-ku-negaanshaha masjidka waa fursad qofka aaminsan Allaah (S.W.T) uu rabo inuu aad ugu dhawaado Rabbigiis (Abuuraha Kownka iyo wax kasta oo ku jira) si ku meel gaadh ahna maskaxdiisa uga xorreeyo hawlaha iyo werwerka nolosha Adduunyada. Waa fursad weyn oo qofku naftiisa ku tababarayo ka jeedinta qalbigiisa fekerka iyo werwerka Adduunyada una jeediyo xusidda iyo cibaadada Ilaahay (S.W.T) oo qudha.

 

Habeen-ku- negaanshaha masjidka waxaa la samaynkaraa waqti kasta oo sannadka ka mid ah. Laakiin ka ugu wanaagsan waa ka la sameeyo tobanka (10) maalmood ee ugu dambeeya Bisha Ramadaan ee Barakaysan. Afarta (4) Mad-habood ee Sunniga ah (Shaafici, Maaliki, Xambali, iyo Xanafi) waxay isku raaceen oo aaminsanyihiin in ujeedada ugu weyn ee loo sameeyo habeen-ku-negaanshaha masjidka ay tahay raadinta habeenka barakaysan ee loo yaqaan Leylatul Qadriga (waa habeen Ilaahay barakeeyay oo la fadli ah 83 sano) kuna jira tobanka (10) maalmood ee ugu dambeeya Bisha Ramadaan. Habeen-ku-negaanshaha masjidka waxay dhammaataa marka Bisha Ramadaan dhammaato.

 

Caa’isha (R.C) waxay tidhi: "Rasuulka Ilaahay (S.C.W) waxaa uu Ictikaafka samaynjiray tobanka (10) maalmood ee ugu dambaysa Bisha Ramadaan." (Saxeex Muslim 1172].

 

Abu Hurayra iyo Caa’isha (R.C) waxay labaduba soo weriyeen oo yidhaahdeen: "Rasuulka Ilaahay (S.C.W) waxaa uu Ictikaafka samaynjiray tobanka (10) maalmood ee ugu dambaysa Bisha Ramadaan ilaa Eebbe ka oofsaday.” [Jaamica Tirmidi 790, Saxeex].

 

Habeen-ku-negaanshaha masjidka maaha waajib laakiin waa Sunne aad loo ammaano in la sameeyo, siiba tobanka (10) maalmood ee ugu dambeeya Bisha Ramadaan, waxaana ragga iyo haweenkaba lagama maarmaan u ah inay Ictikaafkooda ku sameeyaan masjid si uu u ansaxo. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in Ictikaafku si uu u ansaxo lagu sameeyo masjid lagu tukado jameeco. Qofka Muslimka ah (say ama oori) ee ku jira Ictikaafka waxaa ka reeban ama mamnuuc ka ah inuu sameeyo ama samayso galmo. Haddii ay sayga iyo ooridu isu galmoodaan iyaga oo ku jira ictikaaf, waxaa buraya ictikaafkooda habeenkaas.

 

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: "Oo ha u galmoonina ((xaasaskiinna) idinka oo ku jira Ictikaaf masaajidda (habeen-ku-negaanshaha masaajidka waqtigaas oo lagu tukanayo, lagu ducaysanayo, lagu xusayo, laguna caabudayo Ilaahay). Kuwanu waa xuduudaha (uu dhigay) Eebbe ee ha u dhawaanina (ha ku xad-gudbina). Sidaas ayaa uu Eebbe ugu caddaynayaa Aayadihiisa dadka si ay u dhawrsadaan." [Suuradda Al-Baqara, Aayadda: 187aad].

 

Qofka Muslimka ah ee Ictikaafka ku jira waxaa laga rabaa inuu ku sugnaado masjidka haddii aanu markaas u bixin arrin daruuri ah sida: U baahasho musqul, cunto, cabbid iwm laakiin waa inuu markiiba ku soo noqdaa Ictikaafka.

 

(Casharka waxaa laga soo qaatay Buugga: HAGAHA NOLOSHA ISLAAMKA Ee Guurka iyo Qoyska)

 

Ibrahim Hassan Gagale

April 2, 2022

 

 

 

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...