Maxaa Caruurta Soomaaliyeed Ee Qurbaha Qoysaskooda Looga Qaadaa ?

0
Tuesday April 05, 2022 - 10:32:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Caruurta Soomaaliyeed Ee Qurbaha Qoysaskooda Looga Qaadaa ?

    Cali maxamed Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali maxamed Biixi

Mudooyinkii danbe  waxaynu Warbaahinta ( youtube ka-Facebook ga iyo twitter-ka ) oo aynu wararka ka aragnaa Aabayaal iyo Hooyooyin Soomaaliy eed oo ooy aaya oo ka cabanaaya in carruurtooda laga qaaday oo dalal kala duwan oo Galbeedka ah ku nool ( Europe) . In kasta oo arinkaasu ku koobnayn bulshada Soomaaliyeed oo ay la qabaan bulshada Carbeed iyo Jaaliyadaha Ajinabiga ka soo jeeda .

 

Hadaba siday wax uga jiraan arinkaa ?

Maxaa sababay in Hooyo carruurteeda Dawladdu ka qaaddo ?

Sidee arinkanu u dhacay ?

 

Dhibaatada ugu weyn ee dadka Soomaaliyeed ee haysataa waxa weeye

(Iyaga oo aan aqoon u lahayn sharciyada dalalka ay ku nool yihiin

Gaar ahaan sharciyada qoysaska iyo sharciyada xuquuqda caruurta .

Soomaaliya Aabayaashu iyo Hooyooyinku sida ay doonaan ayay ka yeeli jireen carruurtooda.

Caruurtuna wax xaq ah may lahayn , cid ama hay'ad ama maamul ilaaliyaan ma jirin .

Laakiin dalalka reer galbeedka (Europe) carruurtooda xaq Bay leeyihiin , oo waxay leeyihiin maamul iyo hay'ado dowladeed oo xuquuqda caruurta ilaaliya oo la socda .

Ilmaha adigu waad dhashay , Laakiin koritaankiisa waxaa kula leh dowladda oo lacag kugu siisa .

Markaa horta ogow in ilmaha lagula leeyahay oo aanad u xor ahayn keliyaa.

Hadaba maxaa keenay in Hooyooyin badan carruurtooda laga qaado ?

Horta caruurtan la qaataa , waxay u badan yihiin ,

Caruur aan Aabo lahayn oo burbur qoys ku dhacay ama Aabahood la joogin

(Siday doonto ha ku timaado)

 

Sababaha keenay in caruurta la ga qaado qoyskooda :

1-in ilmaha nabar dil ah lagu arko jidhkiisa . Oo ilmuhuna sheego .

2-im ilmuhu ka caado ama ashtakeeyo ciddii dhashay ama haysay oo uu sheegto dhibaatooyin waalidkii ku hayaan ama darxumo .

3-in waalidkii isticmaalaan (khamri ama mukhadaraad ama qaat) si xaad dhaaf ah oo ay carruurtooda dayacaan .

4-in ilmuhu uu codsado oo uu sheego in aanu la noolaan karayn qoyskiisa , sababahaas awgood ( oo uu sheego sababo caqli gal )

 

Arrimahaas si toos ah ayaa qoyska looga qaadayaa carruurtooda.

Waxa kale oo jirta in Dugsi (iskuul) kastaa leeyahay qof la socda nolosha ardayda oo ay waalidiinta ka wada hadlaan dhaqanka qaldan ee ilmuhu gurigooda ku sameeyo iyo akhlaaq xumada caruurta qaarkood

Ka dibna xal ayaa loo wada raadiyaan ( waalidka iyo social worker-ku)

Laakiin qoysaska Soomaaliyeed wax xidhiidh ah lama sameeyaan oo way qarsadaan akhlaaq xumada iyo dhaqan xumada carruurtooda,.

Kabacdina wixii ayaa mar qudha qarxa .

Waxaana jira dhibaatooyin qoysaska Soomaaliyeed carruurtooda ku hayaan qaarkood oo ay ka mid tahay in ay duruufo iyo nolol xun ku nool yihiin caruurtu ,oo dhaqaalihii caruurta loogu talo galay ay Hagbado ku galaan , qaar kalena guryo dalkii kaga dhistaan ,Oo ilma qeyrkii ahi daryeelka uu helayo,  aanu helin iyo nolosha uu ku nool yahay ama dharka uu sito .

 

Hadaba maxaa xal ah ee dhibaatada lagaga bixi karayaa?

 

1-in sharciyada la fahmo oo la barto dalalka lagu nool yahay.

2-in ay waalidku (Aabaha iyo Hooyada) ay bartaan luqadda (Afka) dalka ay ku nool yihiin.

3-in caruurta luqadda (Afsoomaaliga) la baro oo ay ku hadlaan guriga .

4-in (social) kasta oo Dugsi ( iskuul) kasta waalid ( Aabo iyo Hooyo) kastaa xidhiidh la sameeyaan oo ay ka wada hadlaan akhlaaqda ilmohooda iyo dhaqankiisa .

5-in ay ururo bulshada ( jaaliyadda) Soomaaliyeed wada sameystaan , ka difaaca arimaha kaga imanaaya maamulka dalka ay joogaan.

6- in caruurta laga qaado qoys Soomaaliyeed loo geeyo qoys la diin ah oo la midab ah oo aan cid kale loo geynin

7-in ay qoysaska Soomaaliyeed burburka qoys iska ilaaliyaan , inta ay kari karaan.

8-caruurta laga qaado dadka (qoysaska Soomaaliyeed) waxay u badan yihiin ,

caruur Hooyo qudhi haysato)

Hadaba waxaan kula talin lahaa qoysaska Soomaaliyeed iyo dadka soomaaliyeed in ay bartaan sharciyada dalalka ay ku nool yihiin ,

ama ay iskaga tagaan

Waxaanay u  aragnaa aaya xumada kuwii Hooyada  qudhi haysatay .

Hadaba maxaad ka filanaynaa ,kii Aabbo la'aanta iyo Hooyo la'aanta ku soo koray ..

Ilmaha aan luqaddaada (Afkaaga) aqoonin , dusha ( midabka) ayuun buu kaaga egyahay ee gudihiisa waxa ku jira shaqo kuguma laha .

 

Dowladdu qarash badan ayay ku qabtaa caruurta qoysaskooda laga qaadaa , oo ay ku bixisaa.

Hadal iyo dhamaantii

Sharciyada barta iyo Afka dalka aad ku nooshihiin

Sidaas ayaad dhibaatada kaga badbaadi kartaan .

 

Cali maxamed Biixi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...