Qoraa Xamse Riiraash Oo Ka Tiirayaysan Masiibadii Xalay LabaIndhoodna Isku Gayn

0
Tuesday April 05, 2022 - 10:25:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoraa Xamse Riiraash Oo Ka Tiirayaysan Masiibadii Xalay LabaIndhoodna Isku Gayn

    W/Q:Hamse riiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Hamse riiraash

Xallay waxa nagu habsatay masiibo rabaaniya oo kacday farsamo xumada dadkeena kuwaa oo suuqyadeena  ku ganacsan jiray.

 

Taa oo ahayd aafo qaran oo dhaawac gaadhsiisay dareenkeena,isla markaana gilgishay quluubteena iyadoo ku reebtay tiraanyo iyo calolyow baahday oo ka shidan gudaheena.

 

Waxay ahayd dhacdo naxdin reebtay oo gaadhay meel walba taas oo xukuumadeena iyo  madaxdeenu iyo shicibkeenuba waxba ula hagran gaynta hor ilaah iyo taakulaynta umadooda.

 

Xalay waxay noo ahayd maalin mugdiya.balse maalmo hore iyo masiibooyin ka darnaa taas dhulka la simatay soddon sanno ka hor ayaynu kasoo kabatay magaaladan hargaysi  ee umada wanaagsan alla ku beeray.

 

Tanse xalay dhacdo waa dhacdo kale oo mudan ku cibro qaadasho iyo darsi aynu ka baranayno si aynu uga feejignaano ayaamaha xiga.

 

Balse suuqaas alla faraj u bixin doona waxayna  noqon doontaa suuqa ugu quruxda badan oo ugu habaysan ilaahii shalay joogayna waa jiraa.

 

Dhamaan dadkeenu maanta meel ha u wada jeedsadaan oo ha u midoobaan taakulaynta umadeena madax Iyo mijaba



W/Q:Hamse riiraash 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...