Soomaaliyee Ogaada Waa Jaajuus Kenyan ah oo lagu soo Dhex milay Golaha Shacabka

0
Tuesday April 05, 2022 - 09:30:54 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliyee Ogaada Waa Jaajuus Kenyan ah oo lagu soo Dhex milay Golaha Shacabka

    Sargaalkaan ayaa kenya uqaabilsan qeybta gudbinta xogaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sargaalkaan ayaa kenya uqaabilsan qeybta gudbinta xogaha


Iyadoo ay gabogabo Marayso doorashada golaha shacabka Soomaliya,ayna xulashada xildhibaanadu gacanta ugu Jirto madaxda maamulada,ayaa Sanadkan Waxaa Baarlamaanka Soomaliya Kusoo biiray sargaal Katirsan sirdoonka Kenya Una qaabilsan jaajuusida xogaha qarankeena.



Madaxwehnaha Jubbaland Axmed Madoobe Oo Kenya ka haysta balanqaadyo hordhaca ayaa Ku dadaalay Sidii Uu Ninkaan Usoo Saari Lahaa Wuuna Ku guulaystay Ugu dambeyn ,Isagoo Soo siiyay Kursiga tirsigiisu Yahay #Hop114.


Kursigaan Oo doorashdiisu kadhacday Magaalada kismaanyo 23 bishii Janaayo Ee Sanadkaan ayuu Axmed madoobe Oo garab Ka helaya Kenya Soo siiyey Cumar ibrahim xaashi Oo loo yaqaano (Cumar Sarhaye ), Iyadoona doorashada kursigaan aan wax talo ah laga siin beesha iska leh Iyo dadka lagu metelayo, wuxuuna Ka mid ahaa kuraasta uu sida tooska ah Ahmed madoobe uu maamulayay.



Cumar ibraahim xaashi oo ah xubin sare oo ka tirsan sirdoonka kenya yaa dusinta xoga ah qaranka soomalida, Axmed madoobe lagu siiyay soo saaridiisa balan qaad ah in ay kenya kala shaqeyneyso in uu xilka madaxtinimada Jubbaland sii joogi doono shanta sano ee soosocota taa soo Axmed madoobe ku qasabtay in uu kursigaas si gaar ah u siiyo (Cumar Sarhaye)


Sargaalkaan ayaa kenya uqaabilsan qeybta gudbinta xogaha sirta ah ee qaranka soomaliyeed iyo jaajuusida hay'addaha dowliga ah waxaana hay'ada sirdoonka soomaliya Ee NISA muddo dheer ku waday baaritaan aan weli dhamaan,balse xoggo hordhaca oo ay warbaahinta la wadaageen saraakiil ka tirsan sirdoonka soomaliya ay ku xog warameen in ninkaan uu horjooge u yahay koox soomali ah oo ka tirsan Sirdoonka kennya una shaqaynaya muddo 11 sano Waxayna U qabtaan Shaqooyin muhiima Oo lagu xagal daacinayo Jiritaanka Qaranimo Soomaliya,Sido kale Wuxuu Ninkani Mar Kasoo Shaqeeyay Saafarada Dowlada Ingriiska Ee Magaalada muqdisho sida ay saraakiishu nala wadaageen.


Sargaal katirsan Sirdoonka soomaliya oo nala hadlay ayaa sheegay in ay tahay fajac iyo amakaag in nin caynkaas ah uu kuso biiro Sharci-dejinta , waliba dhawaan la gudoon siin doono Shahaadadii Xildhibaanimo April 14 side lagu balamay noqonayo xubin ka tirsan Golaha Shacabka, asagoo ka tirsan ah xubin firifrcoon Sirdoonka Kenya

"Waa Musiibo iyo wax laga Argagaxo in Uu Sargaal katirsan Sirdoonka Kenya Kusoo biiro baarlamaanka 11 'aad Ee Soomaliya Welibana Kaga darane ninkaan Waxa uu Dembiile ka yahay gudaha hay'addaha amniga qaranka oo waxaa ku socda baaritaan aan weli ubucdiisa lasoo taaban "ayuu Yiri Sargaalkaan Katirsan Sirdoonka Soomaliya Ee NISSA.

Dadka arintaan sida aadka ah ula socda ayaa qaba inay tahay ihaano uu Axmed Madoobe ugeystay dowladnimada soomaliya ayna tahay in dambigaas lagu soo oogo, waxayna Hay'addah Dowladda loo soo jeediyeen inay qaado talaabo deg deg ah inta xildhibaanada la dhaarin ,shahaadana la siinin, si beesha kursiga iska leh u hesho bedelka jaajuuskaan kenyanka ah ee Axmed madoobe qandaraaska ku soo saaray.


Cumar Sarhaye ayaa Maalinta shalay aheed gudoomay Shahaadada Xildhibaanimo Ee golaha shacabka , iyad ay dul hoganayaa eedo waa weyn oo ay ugu horeyso tabashada Beesha iska leh kursigan .

No description available.


Si kastaba Doorahsada Soomaliya ayaa gacanta ugu jirta Madxda Maamulada, Mana jiraan door ay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha kuraasta lahi kuleeyihiin soo saarida shaqsiga ay u baahanyihiin iyo kan qaranku u baahan yahay ee ka shaqeeynaya horumarinta soomaliya iyo wax tarida bulshada uu magacooda kursiga ku helo .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...