Soomaliland:Askartu Shacabka Ma Rasaasayso !

0
Sunday April 03, 2022 - 19:26:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaliland:Askartu Shacabka Ma Rasaasayso !

    Waxaa qoray:Weriye Ciise Talyaani oo kamida Wariyaasha Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa qoray:Weriye Ciise Talyaani oo kamida Wariyaasha Puntland.

"Todobadii fiidnimo ayey ahayd markaanu New Hargaysa cashada unimi oo aanu soo dhaafnay meheradii shaaha ee Yamaniyiinta oo ku taalay Suuqa Waaheen dhanka laamiga bartamaha soo xigtay.



Waxaanu markaas ka soo laabanay, safar aanu ku tagnay Gabilay iyo Boorama, saacad hadaanu fadhino halkaanu ku cashaynay, ayaa nalagu war-geliyey in Hoteelkii aanu deganayn oo ku yaalay Suuqa Waaheen aagiisa uu dab wayni qabsaday.


Saaxibkay Maxamed Xassan Dhalo oo aanu wada soconay ayaan is-waydiinay sida aan ku tagi karno Hoteelka, kolkaas ayuu iiga sheekeeyey dabkii qabsaday suuqa Bosaaso 2011-kii Dec, waxa uu iiga waramay xalaadu siday markaas ahayd, iyo dhibaato askari ugaysatay isaga iyo laba nin oo la socotay, wuxuu kaloo iisheegay in rasaasta askartu habeenkaas riday ay uga xasuus badantahay dabkii suuqa.


Aniga oo aan meesha Huteelku iga jiro u kicin, ayuu dareen dheeraad ku ah dabkaasi igu abuurmay, mana anan jeclaysan inaan aado.


Raggii aan wada soconey qaarokood waxay gaari u qaateen beerta libaaxyada  oo ilaa casarkii laga sheekaynayey.


Laakiin aniga iyo saaxiibo kale oo ducumentiyo ka war-wereyey, waxaan u soo kacnay xaggii dabku naga xigey.

Waxa ugu wayn ee aan ka baqayey marka laga yimaado dabka waxa ay ahaayeen askarta.


Waxaan filayey oo run noqotay in dad tiro beel ahi ay meesha isugu imanayaan si ay u arkaan xaaladda, deedna sida caadada u ahayd askarta magaalooyinkii aan joogay, sheekadii saaxiibkay Dhalo ee dabkii Boosaaso qabsadayna ka mid ahayd, in askartu xabad u isticmaali doonaan kala baacinta dadkaas.


Gaarigii na waday wuxuu na dhigay meel in doora ujirta suuqa, saxmadda oo badnay awgeed, waan soo lugaynay aniga iyo saddex nin oo aanu wada soconay, markaas anigu waan dareen soconayey, saxiibadii ila socdayna ila mid bay ahaayeen, waayo isku meel ayaanu ka nimi.


Lakiin markaan gudaha usoo galnay suuqii oo aan in doora-soconayno niyad ahaan su'aasha igu taaganna marka laga yimaado dabkaas damintiisa ay ahayd, rasaasta oo aan dhawaaqeeda la'ahay, ayuun baan ku nimi askari suun wata oo dadka hortaagan.


Askarigaasi oo Booliiska Somaliland ka tirsanaa waxa kaliya uu isticmaalayey waxa uu ahaa suun, ciddii soo jiirta uu isaga caabinayo, cidi may dhaafayn isaguna ma xad-gudbeen, waxa uu hadba sii daynayey dadka hantidu ka tiilay suuqa ee hadba kartoonka la soo ordayey.


Hoteel Barwaaqo oo aanu degenahay hortiisa ayey dadku taaganyihiin, askarigii suunka watay ayaa na istaajiyey, wuxuu na waydiiyey ujeedka socodkeena, markaas anigu lama hadlin lakiin raggii aanu wada soconay mid ka mida ayaa la hadlay, wuu na fasaxay hoteelka markaanu galnay oo aanu soo qaadanay kumbuyutaro iyo dukumantiyo ayaanu soo laabanay.


Runtii dhibaato ayaa ka taagnayd suuqa, dadka wajiyadooda waad ka aqrisan karaysay halaagga dhaqaale ee dhacay, dhabtii la dareen ayaan ahaa, waayo waxaa marba na dhaafayey haweenay ama ganacsade ladnaa cabaar ka hor oo aragoodu kuugu filan yahay dhibaatada jirta .


Dareenkaas ka sokow waxaa ila waynayd oo aan hadba sii jaleecayey askariga suunka watay, waxaan la noolaa askari daruufta amni khasbayso lakiin dhibaatada dabiiciga ah toodu ay ka darantahay, waxaan usoo joogay askari si uu waddo iiga celiyo madaxa qori iiga saaray.


Waxaan bartay bulsha kasta inay udhaqanto sida dawladeeda iyo askarigeedu udhaqmaan, waxaan arkayey idinna aad sawiradooda aragteen arday iyo shacab biyo iyo cunno siinaya askarta shaqada dab-daminta ah gacanta ku haysay, waxay taageradaa bulsho ciidanku ku helay waa dhimrinta ay sameeyeen, marka laga yimaado waajibaadka ay gudanayeen.


Haday askartu xabad is-ticmaali lahaayeen, khasaare nafeed ayaa isaguna raaci lahaa dabka.

Ismaan lahayn waxaad arki khasaare caynkaasa, ismana oron askari Soomali ah oo suun wata ayaad la kulmi, lakiin Somaliland ciidankeedu way ka duwanaayeen kuwii aan horay usoo arkay.


Hargaysa dabkeedii, waxa uu dhammaantaya noo ahaa waaya aragnimo, aanu ka baranay casharo dhigaal inoogu noqonaya in aysan mar kale inagu soo laaban, waxaanu baranay wax kasta oo sabab unoqon kara khasaarihii nagu dhacay oo ay ugu horayso muhiimada ay leedahay wadooyinka oo laga fidin karo gurmadka deg-dega ah.


Waxaan kaloo baranay inuusan jirin garab laga maarmo, indhahayga waxaan ku arkayey dameerle biyo kaga qayb-qaadanaya dab daminta, booyadle aan nasanayn iyo haweenay caawinaysa hantiile mirar kortoono ah carwadiisii waynayd ee dabku qabsaday ka badbaadsanayey.


Hargaysaay kabo oo hormuud ahoow.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...