Tooshka-Taariikhda Ramadaan 1

0
Sunday April 03, 2022 - 13:20:59 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tooshka-Taariikhda Ramadaan 1

    1. IBNU KHALDUUM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. IBNU KHALDUUM


Ibnu Khalduum wuxuu ahaa carab andaluusi ah, asal ahaanna Xadrami ahaa, halka ay culimada taariikhda qaarkoodna qabaan inuu Amaasiiqi ahaa. Bishii Ramadaan ee1332 miilaadiga ayuu ku dhashay magaalada Tuunis ee caasimadda u ah wadanka Tuuniisiya. Wuxuu dhashay iyadoo faafintaanka cilmiga meeshii ugu saraysay marayo magaalada Tuunis.


Isagoo yar buu Qur'aanka xifdiyay, markuu da'da labaatan sano gaadhayna wuxuu shaqaale ka noqday maxkamadda Tuunis. Saddex sanno ka dibna wuxuu xoghayye u noqday suldaankii marooko ee deganaa magalaada Faas. Markii uu labo sano la shaqaynayay ayuu suldaankii uga shakiyay Ibnu Khalduum inuu abaabulayo koox xukunka ka tuurta. Markaasaa xabsi loo taxaabay uu ku jiray laba sano.

1358kii ayuu dhintay Suldaankii, kadib ayaa Ibnu khalduum dawladdii cusbayd ee meesha qabsatay xabsiga ka sii daysay. Kadib wuxuu go'aansaday inuu isaga tago Marooko, isagoo u jihaystay xaggaas iyo dhulkii Andalus gaar ahaan magaalada Garnaada(Granada), oo maanta ku taalla koonfurta Dalka Isbayn.

Muddo ka dib ayuu ku soo noqday afrika, waxaanu yimi magaalada Bijaaya ee wadanka Al jeeriya. Bijaaya wuxuu kula kulmay Abuu Cabdallah nin layidhaahdo oo ay Xabsigii magaalada Faas ku wada jireen, oo magaaladan ka taliya. Si heer sare ah buu Abuu Cabdallah u soo dhaweeyay, inyar ka dibna wuxuu ka dhigtay Raysal wasaare. Markii uu muddo joogay halkaas wuxuu dib ugu laabtay magaaladii Faas.

1382kii ayuu magaalada Al iskaandariya ee Masar tagay, isagoo da'diisu tahay 50 jir. Inyar markii joogayna wuxuu u wareegay dhinaca Qaahira, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen culimadii iyo ardaydii magaaladu. Intii uu qaahira joogay wuxuu la kulmay Suldaan Barquuq, oo ahaa ninkii xukumayay Mamaaliikta Badda. Laba shaqo ayuu markiiba u dhiibay Ibnu Khalduum, inuu ardayda u dhigo Fiqiga Maalikiyada iyo inuu noqdo qaaddi kamid ah qaadiyada dawladda. Waana meesha uu kula baxay naanaysta [ Waliyyu Diin].

Ibnu khalduuum intuu noolaa waxqabadkiisa ugu wayn, ee illaa maantana lagu xasuusto waxa weeye Kitaabkiisa Muqaddamada ah [Muqaddamatu Ibnu Khalduum]. Kitaabkan oo inta badan ka hadlaya taariikhda, Siyaasadda, juquraafiga iyo arimaha bulshada, wuxuu daabacay 1377 miilaadiga.

Waliyyu Diin Cabdiraxmaan Binu Maxamed [IBNU KHALDUUM], wuxuu noloshiisa inteedii danbe ku qaatay, dhigista culuumta kala duwan. Waxaana uu isaga tagay shaqadiisii ahayd qaadinimada. Ugu danbayn Isagoo 74 sano jira ayuu 1406 miilaadiga ku dhintay magaalada Qaahira, isla meeshaas baana lagu aasay.

W/Q Aamiin Timacadde



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...