Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cadaadis Kala Kulmaya Weerar Ay Ciidanka Qaranku Ka Fuliyeen Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag

0
Wednesday May 29, 2019 - 17:35:06 in News by
  • Visits: 11589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cadaadis Kala Kulmaya Weerar Ay Ciidanka Qaranku Ka Fuliyeen Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cadaadis Kala Kulmaya Weerar Ay Ciidanka Qaranku Ka Fuliyeen Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cadaadis Kala Kulmaya Weerar Ay Ciidanka Qaranku Ka Fuliyeen Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag

 

 Hargeysa(HWN):-21-kii bishan May ciidamada Somaliland waxay degmada Damalla Xagare ee gobolka Sanaag ka celiyeen wasiirka waxbarashada Puntland oo ka soo jeeda degaankaasi. wasiirka oo degaanno hore laga celiyay ayaa isaga oo hadal ka jeedinaya Damalla Xagare waxa qabsaday weerarka ciidanka Somaliland.

Image result for madaxweyne muuse biixi


Arrintan ayaa shir degaanku ka yeeshay waxay si weyn uga cawdeen weerarka noocaas ah waxaanay dadkooda xilalka ka haya xukuumadda Somaliland ugu baaqeen tashi in ay kula noqdaan beesha.


Waxa kale oo ilaa xalay isa soo tarayay warar ku saabsan in saraakiisha Bariga Sanaag ka soo jeeda ee ciidanka Somaliland ka tirsan ka biyo diidsan yihiin in isku dhacyo dambe ka dhacaan degaannadooda gaar ahaana Badhan oo wasiirro Puntland ahi ku sugnaayeen maalmihii la soo dhaafay kuwaas oo yimid kadib weerarkii lagu qaaday wasiirkooda.


Gobolka Sanaag ayaa ahaa mid nabdoon laakiin, dhaqdhaqaaqyo uu halkaasi ka sameeyay Kornayl Caarre oo Somaliland ka goostay ayaa horseeday in ciidanka Somaliland halkaasi ku ruqaansado taas oo shacabka degaanka guux badan ka abuurtay korna u qaadday wasiirrada halkaasi taga ee Somaliland iyo Puntland ka kala socda.


Wasiirka caddaaladda Somaliland ee degaanka ka soo jeeda oo dhawaan tagay Badhan wuxuu sheegay in degaanku aanu wax xidhiidh ah la lahayn xukuumadda Somaliland kana arradan yahay adeegyada dawladnimada, waxaanu wasaaradaha ugu baaqay in ay halkaasi gaadhaan.


Arrinta tix gelinta mudan ayaa ah in aanay sahlanayn in weerar lagu qaado wasiirro degaanka ka soo jeeda oo ka tirsan Puntland taas oo kicin karta dadka kala qaybsanaantu ka muuqato taas bedelkeedana ay tahay in lagu hanto quluubta bulshada waxqabad iyo gaadhsiinta adeegga dawladnimada.

Loading...
Loading...