Madax Xanuunka Xilliga Soonka

0
Saturday April 02, 2022 - 18:09:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madax Xanuunka Xilliga Soonka

    W/Q: Kamaal Marjaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kamaal Marjaan

Caadi ahaan maalinta koowaad ee bisha soonka waxaa la arkaa madax xanuun. Sababo badan ayaa keena madax xanuunkaas, waxa aka mid ah isbedellada ku imanaya guud ahaanba hab nololeedka qofka iyo nidaamkiisa cunto. Waxaa ka mid ah:



1. Isbeddelka ku yimi xilliga cuntada

2. Joojinta kediska ah ee cabitaannada Kaafiyeenta leh (Caffien) sida shaaha iyo bunka. Gaar ahaan xilliga subaxda.


3. Dadka balwadda sigaar nuugista leh oo marka ay joojiyaan Maalintii uu madaxu xanuuno.


4. Hurdada uu qofku helayo oo yaraata xilliga soonka, sababta cibaadada iyo suxuurta habeenkii.


5. Maalinnimada soonka oo aanay naftu helin nasasho yar oo duhurka kaddib ah.


6. Biyaha uu qofku habeenkii cabbayaa haddii ay yaraadaan waxa ay keenaan engag jidhka ku dhaca Maalintii.


7. Sonkorta ama heerka macaanka ee jidhka oo hoos u dhaca. Hoos u dhaca kediska ah ee ku imanaya sonkorta dhiigga ayaa sababta madax xanuun daran.


XALKA

1. Ugu yaraan toban maalmood bisha soon ka hor oo bunka iyo shaaha la joojiyo ama la yareeyo.

2. Xilliga suxuurta ama laba saac kaddib afurka oo la cabbo koob bun ama shaah ah.

3. Cuntada suxuurta oo noqota mid isu dheellitiran oo leh Kaarboohaydrayt ku filan jidhka.

4. In habeenkii la cabbo biyo ku filan jidhka.

5. Haddii aad dhanjaf leedahay isku day in aad habeenkii cabto sharaabka cinabka.

6. Haddii ay intaasi xal keeni weydo waa in qofku uu dhakhtar u tagaa.


7. Haddii madaxu aad kuu xanuuno, waxa aad samayn kartaa in maalin kasta suxuurta kaddib aad waqti yar madaxa u duugto qaab wareeg ah. tusaale ahaan dhafoorrada, dhinacyada madaxa iyo foodda hore.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...