Dhacddooyin isu eeg oo ku qormay taariikhda dunida, Hargaysa iyo London.

0
Saturday April 02, 2022 - 17:59:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacddooyin isu eeg oo ku qormay taariikhda dunida, Hargaysa iyo London.

    W/Q Xamse Dubad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Xamse Dubad.

Dabkii weynaa ee London( The Great Fire of London ). Sannadkii 1666-kii, dab khasaare geystay ayaa London ka dhacay, kaas oo baabi'iyay 13,200 oo guri, 87 kaniisad kaniisadeed, baankii sarifka ee The Royal Exchange,  . Xiligaa oo ahaa qarnigii 17aad , dadku kama ay baraarrugsanayn khatarta dabka sida ay maanta yihiin. Dhismayaasha u dabku haleellay waxay ka samaysnaayeen alwaax iyo caws laysku farsameeyey oo ahaa cooshado/buullal iyo deyrar lagu kaydiyo cawska kuwaasi oo sahlay inuu dabka fidintiisu fududaato.



Magaalada London waxa ka wakhtigaas ka jiray abaar iyo biyo yaraan , waxaana engeggay guryihii ka farsamaysnaa alwaaxda taaso keentay in dabkii laga adkaan waayo.


1666kii ma jirin dab-damis habaysan. Dab-damis ahaan waxa loo isticmaalayey Baaldiyada biyaha iyo kolba wixiii lagu la dagaalami karo fidista dabka.


Khasaaraha maaliyadeed ee ku shuf beelay dabkii waynaa ee London waxa lagu qiyaasay 10 milyan Pound.

Masiibo kasta waa cashare waxa dabkii waynaa ee London ( The Great Fire of London) laga bartay oo la curiyey dab-damisyo casri ah oo awooda la dagaalanka dabka iyo shirkadaha ka shaqeeya Caymiska ( Insurance companies) si khasaaraha dabka looga badbaado .


Dabkii waynaa ee Hargaysa ( The Great Fire of Hargeisa) oo ka dhacay 01/April/2022 oo khasaare hantiyeed oo wayn u gaystay bulshada reer Somaliland gaar ahaan ganacsatada reer Hargaysa. Dabkan oo weli la la tacaalayo waxa u ku fiday guud ahaan suuqa Waaheen ee badhtamaha magaalada Hargaysa, waxa na ku burburay hanti aan ilaa hada la qiyaasi karin madaama u weli dabkii waynaa ee Hargaysa aan si buuxda loga adkaan.


Khasaaraha soo gaadhay reer Hargaysa waxa u dheer abaar iyo sicir-barar saamayn ku yeeshay dhaqaalahooda.


Dhismayaasha gubtay marka laga reebo dabaqyada dhaadheer inta kale waxa ay samaysanaayeen shiraaqyo ,alwaax oo ah sababta ugu wayn ee u dabku u fiday.


Waxay  ahayd dhacdo murugo badan oo qalbiyada bulsho waynta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Somaliland damaqday .


Gurmmadka loogu jiro ma yara balse baaxada dabka oo wayn awgeed iyo awooda dab-demiskeena ,waddooyinkii loo mari lahaa, korontada xadhkaheeda oo is isbiirsadsay ayaa ah sababta ugu wayn ee dabkaa wayn ee Hargaysa loo xakamayn kari waayey is kasta oo u jiro gurmmadyo kala duwan oo soo gaadhay goobta u dabku ka qarxay ee suuqa dhaqaalaha Waaheen.


Talo iyo qorshe wayn ayaa u yaala dawlad iyo shicib ba.


Hamse Dubad

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...