Hawshaan Ku Hurahayn, Horaa Loo Dhameeyayo, Hadhow Qabash Haw Dhigan.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.
HIRGELIN URURADA HAB LOO MARIYO,
HIGSIGA DOORASHO HABSAAN KA JIRO,
SIDAWGU HABOON HEENSAA U XIDHO,
HAYAAN BAYNA SUGAYA HAWL BADAN,
WAXAAN KU HURAYNIN HORUU YEELO,
HOGAANKA DALKOW HORSEED NOQO,
HAREERA KA FADHIISTA WADAHADALO,
HULUUSHA KA SAARA HADAL HAYNTO,
HADHBU URAYAA,WAXAAD HUURSATA,
HUNU HUNU MA RABNIYO,HUNBALAYN,
HUFNAAN KEENA,HAGAR LA’AANEEDO,
HESHIIS GAADHO,HADIMOYAY DHICINO,
HILINKEENA DISTOORKA,KU HAWLGALA,
HAANEEDA AMAANKAN,HORU MARAYO,
HIBASHO CEEB,HAGARDAMO NAGA JIRA.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!