Saacadaha Soonka Adduunka: Kuwa Ugu Badan iyo kuwa ugu Yar 2022.

0
Saturday April 02, 2022 - 12:46:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saacadaha Soonka Adduunka: Kuwa Ugu Badan iyo kuwa ugu Yar 2022.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Marka aynu eegno dhinaca wakhtiga, dalalka saacadaha ugu badan soomaya iyo kuwa sacaadaha ugu yar soomaya. Waxa ku soo baxayaa faraq aad u weyn. Dal kasta waxa laga soo qaatay caasimadiisa inta saacadood ee laga soomayo.



Dhinac saacadaha la soomaya kuwa ugu yar waxa hogaaminaaya dalalka Arjantiin, Chile, New Zealand, Ustareeliya iyo Koonfur Afrika, waxaana dhammaantood laga soomayaa 11 saacadood iyo badh. Halka ay kaalinta labaad ee wakhti yaraanta ay soo geliyaan dalalka, Simbaabwi iyo Baraasiil oo laga soomaya 12 saacadood.


Dalalka Sucuudiga, Qadar, Imaraadka, Cumaan, Kuweyd, Falastiin, Bangaaladheesh, Hindiya iyo Baagistaan waxa laga soomayaa inta u dhaxaysa 14 saacadood iyo dheeraad.


Halka dalalka saacadaha ugu badan laga soomayo ay kala yihiin:  Norway, Greenland, Finland iyo Sweden oo laga soomaya 20 saacadood. Denmarka iyo Poland ayaa laga soomaaya 18 saacadood iyo dheeraad. Waddamada reer Yurub ilaa Ruushka ayaa laga soomayaa inta u dhaxaysa 15 saacadood ilaa 18 saacadood.

Tixraacyo:


https://www.dnaindia.com/.../report-ramadan-2022-longest...

https://www.ndtv.com/.../ramadan-2022-fasting-hours-to....

https://www.islamic-relief.org.uk/.../ramadan-timetable

https://www.indiatoday.in/.../ramadan-mubarak-2022-date...

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...