Geedka Moringa Faa'iidadiisa Iyo Qaabka Loo Istimaalo

0
Friday April 01, 2022 - 11:11:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geedka Moringa Faa'iidadiisa Iyo Qaabka Loo Istimaalo

    W/Q: Kamaal Marjaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kamaal Marjaan

Moringa oo ah geed asalkiisu ka baxo woqooyiga Hindiya, waxa uu ka mid yahay dhirta sida fudud uga bixi karta deegaannada kulaylaha ah ama ku dhow.



Muddo qarniyo ka hor ah ayaa geedkan caleentiisa, ubaxiisa iyo midhiisaha dawo ahaan loo isticmaalayey. Waxaana laga helaa faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karayn, sida dejinta dhiigga, Daweynta keliyo xanuunka iyo sifaynta iyo wanaajinta Beerka.


Xaaladaha caafimaad ee uu sida aadka ah wax uga taro waxaa ka mid ah:

1. Waxa uu xakameeyaa xanuunka macaanka


2.  Waxa uu daweeyaa calool xanuunka, calool istaagga, nabarowga iyo caabuqa caloosha iyo xiidmaha ee inta badan ka dhasha nabarrada gaasterigu samayso. Waxa aanu ka hortagaa in waxyaabaha xanuunka sababaa ay ku koraan caloosha. 


3. Moringa waxaa ku jira xaddi badan oo Vitamin B ah, sidaas awgeed waxa uu caawiyaa dheefshiidka.


4. Waxa uu wanaajiyaa caafimaadka indhaha, waxa uu xoojiyaa aragga.


5. Moringa waxa uu dhaweeyaa dhiigla’aanta iyo xanuunka inta badan la hidde raaco ee "Sickle Cell Diseases (SCD)” oo keena khalkhal dhinaca dhiigga ah oo ay ka mid tahay in ay cilladi ku timaaddo barootiinka Ogsajiinta qaadda ee ‘Hemoglobin’ oo unugyada dhiigga cas laga dhex helo.


Caafimaadka Lafaha ayaa uu xoojiyaa – Geedkani waxa uu hodan ku yahay kalshiyaam iyo Fosfoor, taasina waxa ay caawinaysaa caafimaadka Lafaha iyo quwaddooda. Sida oo kale waxa ku jira maaddooyin daweyn kara xaglo xanuunka, iyo qaybo ka mid ah xaaladaha caafimaad ee Lafaha. Moringa waxa uu ka hortagaa xanuunka Lafaha burburiya ama in ay isku lismaan sababa ee Osteoporosis.


ISTICMAALKA


MORINGA waxaa loo isticmaali karaa in la calaashado caleentiisa, in la cuno midhaha ku dhexjira dhaameelkiisa, iyo in caleentiisa oo la qallajiyey kaddibna budo laga dhigay lagu darsado cuntada iyo cabbitaannada, sida shaaha iyo caanaha.


KHATARTA MORINGA


In kasta oo uu geedkani dawo ka yahay xanuunno aan la soo koobi karin haddana waxa ay dhakhaatiirtu sheegayaan in uu keeni karo khataro ay ka mid yihiin:

- Moringa oo xaddi badan laga isticmaalaa waxa uu keeni karaa calool xanuun, dibbiro iyo naqas caloosha gala, calool olol iyo mararka qaarkood shuban.

-  Dadka qaar, gaar ahaan kuwa neceb dhadhankiisa waxa uu ku keenaa yalaalugo.

- Maaddooyinka kiimikaad ee ku jira ubaxiisa, dhuuxiisa ama midhihiisu waxa ay keeni karaan in uu ururo ilma-galeenku (Makaanku) taasina waxa ay dumarka uurka leh ku keeni kartaa in ay dhiciyaan.

-  Waxa uu badiyaa caanaha naaska, laakiin waa suurtagal in maaddooyinka ku jira qaarkood aanay u fiicnayn caafimaadka ilmaha, sidaas awgeed waa in dhakhtar garanaya geedkan lagala tashadaa.

- Moringa waxa uu furfuraa dhiigga, sidaas awgeed waxa uu ka hortegi karaa xinjirowga dhiigga xidha. Si kastaba ha ahaato ee khatar caafimaad ayaa uu ku keeni karaa dadka marka horeba qaata dawooyinka dhiigga furfura sida ‘Warfarin’ iyo kuwa la midka ah.


Sohati iyo sayidaty.net

Kamaal Marjaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...