Dawlada Soomaaliya Oo U Yeedhay Laba Safiir Oo U Fadhiyey Wadamada Carabta Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

0
Wednesday May 29, 2019 - 17:27:38 in News by
  • Visits: 3261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo U Yeedhay Laba Safiir Oo U Fadhiyey Wadamada Carabta Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

    Dawlada Soomaaliya Oo U Yeedhay Laba Safiir Oo U Fadhiyey Wadamada Carabta Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo U Yeedhay Laba Safiir Oo U Fadhiyey Wadamada Carabta Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa dib ugu yeedhay laba ka mid ah safiirada u fadhiya wadamada carabta.

War ka soo baxay wasaarada arimaha dibada soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu amray safiirada wadamada Masar iyo Suudaan ay mudo todobaad ah ku soo gaadhaan magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo wasaarada arimaha dibada ee soomaaliya ayaa sheegaya in safiiradan loo yeedhay oo kala ah Cabdiqani Maxamed Wacays oo ahaa safiirka dalka Masar iyo xoghayaha joogtada ah ee u qaabilsan soomaaliya jaamaacd carabta oo mudo afar sano ah hayey xilkaasi iyo safiirka suudaan Cabdirisaaq Shoole oo dhawaan loo magacabay xilkaasi ay saamayn doonto qorshe ay dawladu u doonayso inay isbadal ku samayso safiirad dibada.

Golaha wasiirada dawlada federaalka ah ayaa dhawaan dalacsiiyey sadex safiir kuwaas oo aan la shaacin wadamada loo magacaabi doono balse safiiradan lagu amray inay soo gaadhaan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inay saamayn ku yeelan doonto qorshaha ay dawladu wax ka badalka ugu samaynayso safiirada dibada.

Loading...
Loading...