Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Danjiraha Soomaaliya Ee Boqortooyada Sucuudiga
Muqdisho, Maajo 29, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu
magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha Somaliya u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee
Boqortooyada Sucuudiga.
"Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo matalaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Loading...
Loading...


0 





