Rashid, 7 Sanno Iyo Xoolo Badan Ayuu Ka Khasaariyey Reer Somaliland. Maanta Hadal Duurxul Ahi, Muxuu Ku Tari Karaa !?

0
Wednesday March 30, 2022 - 10:56:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rashid, 7 Sanno Iyo Xoolo Badan Ayuu Ka Khasaariyey Reer Somaliland. Maanta Hadal Duurxul Ahi, Muxuu Ku Tari Karaa !?

    W/Q: Abdi Ismail

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdi Ismail

Run ahaantii Salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa, wax qabadka Dimplomaasiyadda iyo Xidhiidhka caalamiga ahi wuxuu u baahan yahay Xeel iyo Xodxodasho, taas ayay dadka qaarkood ugu hungoobaan inay Saaxiibo ku yeeshaan Saaxadda Siyaasadda.

 

Rashid Garuf markii loo magacaabay Wakiilka Somaliland ee Washington D.C. waxa laga sugayey inuu ku dhaqaaqo xeeladdo siyaasadeed iyo inuu iib geeyo mawqifka Somaliland oo uu kasbado Saaxiibo ay Somaliland yeelato. Nasiibdarro weeye inuu qirto inuu hal saaxiib soo hoyn kari waayo, wuu ku hungoobay inuu sii wado Diblomaasiyaddii Sacad iyo Hanaankii Somaliland mission ee Washington D.C. Wuxuu ku foofay Danihiisa gaarka ah. waxa uu garan waayay meel uu wax ka bilaabo. Wuxuu ka dhigay Shaqadii wakiilnimo part-time job iyo inuu dhowr xaraf ku soo qoro facebook iyo social media.



Somaliland waxa ku habsadey inay lumiso fursado badan,niyad jab weyni waxa uu ku yimid Jaaliyaddii washington D.C. oo uu u arkay inay Shaqadiisa hor istaagayaan.Taas ayaa keentay in ay Somaliland weydo fursadii Dual track support oo ay Somalia ka faa'ideysato fursadaa isla markaana ay u hirgasho in dawladdii Somalia loo arko mid kaliya.


Rashid wuxuu maanta ka ladi waayay Guulihii uu ka seexday oo la hirgaliyey iyo Xeeladihii uu garan waayay in farsamo lagu keeno, waa Nasiib darro inuu la shir yimaado maanta Somaliland waxay $25000/Bishii ku bixisaa Xafiis u ololeeya Danaha Somaliland.


Mar haddii uu Rashid doortay inuu hadlo, oo uu isqarrin waayay, mar hadduu lumiyey Fursaddii 7 sanno oo aan soo laabanayn, waxa waajib ah in lala xisaabtamo oo la yidhaa: Maxaad qabatay 7dii sanno ee aad Somaliland ka lumisay !? Sidee bay u dhacday, in Shaqadda Wakiilka Somaliland ee culus aad ka dhigto mid par-time ah, marka wax lagaa weydiiyana aad tidhaa "Anigu Shaqo full time ah ayaan haystaa !". Markaa shaqadii Xafiiska Somaliland ee D.C. ay noqoto mid adiga kuu ah Part-time job aad lacag ku qaadato, hawshii dalka iyo dadkuna ay lunto. Taasi waxay ahayd guuldarradii ugu weynayd ee Somaliland ku dhacda in laga faa'ideysan waayo wakhti aan la Aqoonsaneyn Dawlad Muqdisho ka jirta. Waxay ahayd fursad qaali ah oo aan laga faa'ideysan, Masuulna waxa ka ah Rashid Garuf oo aan Tacab gelin,hawshiina gabay.

 

Rashid wuxuu soo kireeyay Xafiiska Somaliland mission, wuxuuna la shir yimid inay ku baxday $200,000 oo ay Dawladdu bixiso. Xafiiskaasi wax dhaqdhaqaaqa oo ka socday ma jirin, wax olole ahna ma jirin, in ay cid kale caawisana ma ogoleyn taas ayaana keentay in Mareykanku uu laalo Barnaamijkii Dual track, markii la waayay cid dood ka keenta oo u hadasha Somaliland. Waa xaqiiqda jirta ee aanay ogeyn dadka reer Somaliland. waxa Rashid la arki jiray 18ka May iyo marka uu Mareykan wasiir yimaado kaliya - Haddaan Been ka sheegayo, Jaaliyadda kale ha la wareysto.


Shalay markii aad kursiga ku fadhiday, haddii aad hawshii laguu xilsaaray aad ku fashilantay, maanta Hadal duurxul ahi waxba tari maayo, Falaadhina gilgilasho kuma baxdo. Dhaqdhaqaaqa bilaabmay waa mid marwalba furan oo u baahan tab iyo xeel siyaasadeed aad adigu ka seexatay wakhtigaagii. Hawsha iyo dedaalka Somaliland sugayaa ka weyn Partime job. Fadhi iyo Fuud yicibeed la isku waa !.


Abdi Ismail,   Washington D.C

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...