Burjiga Daarood Buruud Weynaa !!!!

0
Wednesday March 30, 2022 - 09:49:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burjiga Daarood Buruud Weynaa !!!!

    W/Q Mohamoud Fantastic

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Mohamoud Fantastic




Maareeyaha wakaaladda biyaha hargeysa Maxamed Cali Daarood waa nin dhallinyar ah oo ay kala badan tahay shaqada uu hayo iyo baaxada magaalada hargeysa oo hortiiba biyo la’ayd rubuc qarni,

daarood dedaalka ka muuqda shaqada uu qacanta ku hayo halka uu ka keenay iyo halka uu imika gaadhsiiyey waa kaaf iyo kala dheeri waxaa arki kara uun nin danno gaar ah ka madhan oo ay dhab ka tahay in hargeysi biyo ku filan hesho ayaa dareemaya shaqada biyo ballaadhinta ee socota

laakiin qaylo dhaanta ayaamahan dhan walba isqoorsatay waa dekano ay dabada ka riixayaan ragg sumad kaliya leh oo aaney dhab iyo daacad toona ka ahayn in hargeysi biyo ku filan hesho waana mudaharaad hal meel ka socda oo aan cidna caad ka saarnayn ujeedada ay olollaha ka dhanka ah maareeye daarood ay u wadaan, 

waana laba qolo oo kala ah ragg burjiga daarood jiidhay oo hunguri ka hayo in ay fadhiistaan booska daarood oo damacoodii halkaa la galey:- iyo qollada WADDANI oo iyagu weedhiisii maalintii dhaweyd ku noqotay BARMADOW oo joog iyo jiif ba u diiday waxaanad ku garaneysaa reer hargeysow bal u fiirsada inta qof ee hadashay ee dhaliishay maareeyaha ama inta qof ee baraha bulshada wax ku soo qoraysa waa hebel iyo hebel oo la garanayo doodaasina waa mid daliil cad leh in olollahoodu yahay dhito siyaasadeed waxaanse lee yahay reer hargeysow raggaaga haysu maqlin oo "hadal been ah dheg been ah baa lagu dhegeystaa ".   ee bal maareeyaha koox koox ugu taga oo xaqiida indhihiina ku soo arka laakiin yaan laydiin kala waramin.

Haddii siyaasigeenu ka weynaado jujuubka sharciga, niyad jabinta bulshada rajada ku nool ee dhaqaalaha yar nolosha ku maareeya iyo ku jiqsiinta shaqsiyaadka ay aragtida ku kala jaadka yihiin, waxaynu la jaanqaadi lahayn siyaasadda dunida ee sida jirjiroolaha il bidhiqsiyada isku rogeysa ee bulshooy jibada siyaasiyiinta dannaha leh haw dhego nuglaanina ee indhihiina soo saara halkay mareyso biyo ballaadhinta hargeysi waxaan si kooban u lee yahay,

" Ha Xaganin aadmiga

Hana noqon qof xasida "

waxaad arkaysaa ragg leh maareeye is casil waad guuldareysatee waxaanadse garanayn  haddii aad guuldarada ceeb u taqaanid waligaa guul ma gaadhaysid, Jabka iyo guuldarada waxaa laga bartaa Duruus aan cid kale ku siin karin.

haddii shalay hargeysa aaney biyo helin insha allaah imika ayey helaysaa niyadsami ku qaabila oo yaan la nashuushadeyn Hadii aad Guuldarada Ceeb u taqaanid waligaa Guul ma gaadhaysid, Jabka iyo Guuldarada waxaa laga bartaa Duruus aan cid kale ku siin karin haddii aaney shaley hargeysi biyo helin insha allaah imika ayey helaysaa niyadsami ku qaabila oo ayaan siyaasi dhengagaale ahi idinka nashuushadeyn shaqada reer hargeysow idiin socota, 

waxaan idinku lee yahay haddii indhaha iyo qalbiga aad wax ku eegaysaa qurux badan yihiin nolosha oo dhan baa ku soo dhaweynaysa, balse haddii aragtida waxa quruxdan oo qudha samahaagu ku godlado wax badan baa kula foolxumaan doona:-

Anigu waxaan hadal ku soo afmeeray meerisyadii gabogabada u ahaa MAANSADII ABWAAN HADRAAWI EE GOLJANO

Gabogabada heestiyo,,

#Gabaygayga kama wado,,

#Gaaxnuug la talintii,,

#Gabal dhacay ka hadalkii,,

#Hadda galabta sheekada,,

#Waxaan uga gol leeyahay,,

#Samihiyo is garabsiga,,

#Barri yaan la gees marin,,

Hargeysi Maareeyaheedii wey haysataa Tuf Ama Liq

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...