Saddex Boqol Oo Shaqaale Ah Oo Haay'adda Shaqaalahu Wali Aanay Meelayn+Fariimaha Ay Dirayaan.

0
Wednesday May 29, 2019 - 11:43:11 in News by
  • Visits: 2340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Boqol Oo Shaqaale Ah Oo Haay'adda Shaqaalahu Wali Aanay Meelayn+Fariimaha Ay Dirayaan.

    Saddex Boqol Oo Shaqaale Ah Oo Haay'adda Shaqaalahu Wali Aanay Meelayn+Fariimaha Ay Dirayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex Boqol Oo Shaqaale Ah Oo Haay'adda Shaqaalahu Wali Aanay Meelayn+Fariimaha Ay Dirayaan.


Hargaysa(HWN)Haay’adda Shaqaalaha somaliland ayaa waxa imtaxaan ka qaaday 300 oo shaqaale ah kuwaas oo loogu tallo galay in lagu buuxiyo boosas shaqo oo wasaaraddaha qaranka ka bananaaday balse majiraan ilaa hadda meel la geeyay oo ay shaqo ka heleen.



Shaqaalaha ayaan boosaskan waxa ay ku heleen tartan daah-furan oo dhamaantood ay galeen,waxaana laga soo xulay dhamaantood gobolada dalka somaliland.




Xukuumadda somaliland ayaan ilaa hadda shaqaalahan Gayn boosas ay ka shaqeeyaana wax mushahar ahna looma qorin oo waxa ay wali ku sugan yihiin magaaladda hargaysa ilaa haddana mahayaan wax rajo ah oo u muuqata imtaxaanka ay soo galeen mooyaane.


Shaqaalahan qaar ka mid ah oon magacooda sheegin ayaa hadhwanaagnews waxa ay u shegeen ilaa bishii jeeniwari ee ay tartanka ku soo baxeen la meer meerinayo oo marba haay’adda shaqaalahu oo loogu tallo galay in ay wasaarahadu ku qortaa ay leedahay maalinba maalinta xigta ayaan meel laydin gaynay doonaa


Saddexdan boqol ee shaqaalaha ah ayaa wali rajo naawil waxa ay ku yihiin hargaysa oo qaarkoodna safar ay kaga yimadeen deegaankoodu wali ku jiraan hudheeladda magaaladda oo ay lacag ku seexdaan.


Madaxwaynaha somaliland mudane muuse bixii cabdi oo dhalinyaradani markii ay tartanka ku soo baxeen ka hadlay ayaa bogaadiyay qaabka loogu soo xulay imtaxaanka balse ilaa hadda kamuu hadal in ay shaqo heleen oo wasaaradihii imtaxaanka looga soo qaaday si looga shaqaalaysiiyo la geeyay.


Majirto cid dabo-gashay dhalinyaradani si ay shaqo u helaan balse waxa jirta in ilaa hadda ay wali sugayaan goorta ay haay’adda shaqaalahu xasuusto in ay u joogaan saddex boqol oo shaqaale oo imtaxaan ku soo baxay.


Loading...
Loading...