Drs Edna Aadan oo loo doortay Madaxweynaha Urrur u Dooda Dalalka Aan La Aqoonsan

0
Monday March 28, 2022 - 16:55:22 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Drs Edna Aadan oo loo doortay Madaxweynaha Urrur u Dooda Dalalka Aan La Aqoonsan

    Drs Edna Aadan oo loo doortay Madaxweynaha Urrur u Dooda Dalalka Aan La Aqoonsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Drs Edna Aadan oo loo doortay Madaxweynaha Urrur u Dooda Dalalka Aan La Aqoonsan



Hargeisa(HWN):-Drs Edna Aadan Ismaaciil oo ah umuliso caan ah oo reer Somaliland ah, ayaa loo doortay in ay noqoto madaxweynaha urrurka UNPO, oo ah urrur u dooda waddamada aan la aqoonsan, oo xaruntiisu tahay magaalada Hague ee dalka Netherlands.



Urrurkan oo la aas aasay February 11, 1991, ayaa loo asaasay in uu u doodo waddamada iyo bulshooyinka aan matalalaada ku haysan caalamka, iyo bulshooyinka la hayb-sooco, sidookale wuxuu ka shaqeeyaa arrimaha xuquuqda aadanaha, dimuquraadiyada iyo xuquuqda gooni isutaaga waddamada.

Sidookale, Elisenda Palusie Catalonia, ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka kowaad, Rubina Greenwood Sindh, ayaa sidookale urrurku u doortay madaxweyne ku xigeenka labaad.

Drs Edna Aadan Ismaaciil, oo ah umuliso caan ka ah guud ahaan Somaliland iyo caalamka, ayaa ah shakhsi ku ad adag qadiyada gooni isu taaga Somaliland, waana ergayga gaar ka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya inkasta oo Somaliland sheegtay in wadahadaladii burbureen.

Loading...
Loading...