Somaliland Waxanu Soo Galiney Computerkii Caalamka!

0
Monday March 28, 2022 - 16:32:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Somaliland Waxanu Soo Galiney Computerkii Caalamka!

    W/Q: Cabdirasaaq Askar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdirasaaq Askar

Bal dib iila milicsada Sannadkii 1992 oo aan idin xasuusiyo dhacdo aan filaayo in aad idinkuna xasuusan doontaan. Goobtu waxay ahay Khayriyada badhtamaha Hargeysa, waa cabaaro 10:00  Subaxnimo, waxaa jirey khudbado ay ummadda Reer Hargeisa u jeedinayeen qaar kamid ah wasiiradii Xukuumadii AHN  Marxuum Cabdiraxman Axmed Cali, waxaa kamid ahaa wasiiradaa AHN Marxuum Sh Yusuf Sh Cali Sh Madar oo ahaa Wasiirkii Arimaha Dibedaa ee wakhtigaa, waxaa kamid ahaa weedhihii uu halkaa shacabka uu uga jeediyey isaga oo markaa kasoo laabtay safar uu dibeda ugu baxay oo aqoonsi raadis ahaa. " Wallaahi Qaranimadda Somaliland waxaan soo galiyey Computerka caalamka” nasiib-darada jirtay wakhtigaa , Computer kaba waxaa loo haystay waxkale. Aqoon la’aan inaga haysatay dartee. Dadka qaarna waxay umalaynayeenba aaladii aqoonsiga keenaysay .  Kelmaddaasi waxay shacabku isugu tahniyadaynayeen muddo bilo ah " Somaliland hadda ayaa la aqoonsanayaa” maadaama oo aynu galnay computerkii dunida.

 

Gabagabadii, 1992 iyo 2022 laba sanadood oo isku sansaan eeg, marka laga eego qiiradda shacabka iyo haddalada hogaamiyaasha dalka

 

Wabillaahi Tawfiiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa Somaliland

 

 

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...