Sanbaloolshe oo Xildhibaan loo doortay lana kulmay Cali Guudlaawe

0
Monday March 28, 2022 - 16:10:18 in News by
  • Visits: 1294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanbaloolshe oo Xildhibaan loo doortay lana kulmay Cali Guudlaawe

    Doorashada Kursiga Hop#058 ayaa waxaa ku tartamay 7 Musharrax, waxaase ku guuleystay Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Kursiga Hop#058 ayaa waxaa ku tartamay 7 Musharrax, waxaase ku guuleystay Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Magaalada Beleweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta lagu qabtay doorashada kursiga Hop#058 oo uu horay ugu fadhiyay Nuur Iidow Beyle oo ka tanaasulay u tartamida Kursigaas.

Doorashada Kursiga Hop#058 ayaa waxaa ku tartamay 7 Musharrax, waxaase ku guuleystay Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).


Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle oo ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga Hop#058 ayaa shaaciyay in wareejii koowaad oo lagu kala baxay ku guuleystay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxaana codadka ay u kala heleen.

1: Amb Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe 54 Cod

2: Cabduqaadir Xuseen Coloow 8 Cod

3: Cabdullaahi Axmed Xuseen 5 Cod

4: Cali Cabdullaahi Cosoble 28 Cod

5: Maxamed Afdhuub Makaraan 2 Cod

6: Ubax Cali Sheegow. 0

7: Yoonis Maxamed Nuur 3 Cod.



Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed oo la kulmay Sanbaloolshe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa qaabilay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo maanta loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Xildhibaan Sanbaloolshe guusha uu maanta gaaray waxa uuna kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

 
Loading...
Loading...