Safarkii Sawirada

0
Monday March 28, 2022 - 16:06:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Safarkii Sawirada

    Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

 

                                                                      26 March 2022

 

Maanta oo Taariikhdu tahay 26 March 2022,waxaa dalka Somaliland dib ugu soo noqday waftii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriya Somaliland Md.Muuse Biixi Abdi,kuwaas oo mudo ilaa laba usbuuc,safari ku kala bixinayey dalka Maraykanka(USA).

Soo noqoshada Madaxweynaha iyo waftigiisa aad baa loogu dheg taagayey waxa ay la soo guryo noqon doonaan,aniguse hore Ayaan u sheegay in aan wax ka soo kordhayaa jirin dhinaca Maraykanka,mana jirin wax cusub oo waftigeenu u sii qaadan in ay u sheegan Dowlada iyo Shacabka Maraykan.

Bal haddaba markii aan dhegaystay,si fiican qudbaddii Madaxweynaha iyo waftigiisa,aan idiin soo gudbiyo sida aan u arko wixii ka soo kordhay safarkii Madaxweynaha Md.Muuse Biixi.

 Horta ma ogtihiin:

--------------------

1. Dowlada Maraykanku(USA) in ay booqasho ku tageen 3 Madaxweyne ee Somaliland soo maray oo 2 ka mid ahi weli nool yihiin.

2. Maraykanku (USA),ilaa markii ay burburtay Dowladii laysku odhan jiray Soomaaliya ee 1991,maalin qudha Dowlada Maraykanku kama maqnayn Somaliland iyo Soomaaliya midna .

3. Waxaa ogtihiin  in Somaliland in ay yimaadeen  waftiyo Maraykan ahi laga soo bilaabo 1992 ilaa iyo sanadkan aynu ku jiro ee 2022.

4. Waa ogtihiin dhamaantiin xaalada dhabta ee dalkeena iyo dadkeenu ku jiraan xilliga ay waftigu u dhoofeen Maraykan(USA)…..ABAAR IYO GAAJO.

 

Qudbaddii Madaxweynaha ee maanta:-

---------------------------------------

Waan dhegaystay qudbaddii Madaxweynaha,oo runtii la wada sugayey,in uu Madaxweynu sheego wixii uu kala soo noqday Maraykan(USA),haddii ay dhaqaale tahay,haddii ay siyaasad tahay iwm.Madaxweynu wuxuu sheegay in safarkiisu guul ku soo dhamaaday,waxayaabihii ay soo qabteena wuxuu ku soo koobay laba arimood oo kala ah:-

 

1. Madaxweyne Md. Muuse Biixi wuxuu ku sheegay qudbadiisii maanta in uu  IN UU IS SOO BARAY SOMALILAND IYO MARAYKANKA (USA). Anigu ma garanayo magaca ay ku tegi jireen Madaxweynayaashii  hore ee Somaliland,ma garanayo waftiyadii kala duwanaa ee hore inoogu iman jiray,magaca ay inoo yaqaaneen.

2. Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ku sheegay qudbadiisii maanta in intii ay Maraykan (USA) joogeen  ay ka qayb galeen 23 Shir,22 Shir waxay la galeen Dowlada Maraykanka hal Shirna waxay la galeen UN-ta,dhamaan Shirarkaasina waxay ku soo dhamaadeen isbrasho iyo Maraykanka iyo Somaliland.

 

 

Maxaa laga faaiiday Safarkii Madaxweynaha iyo waftiga ee Maraykanka(USA).

------------------------------------------------------------------------------

 

 

Haddii aan lays yeelyeelayn,haddii runta la doonayo,safarkii Madaxweynaha Somaliland MD. Muuse Biixi iyo waftigiisa ee Marayka(USA),waxaa laga faaiiday:-

1. Waxaa ku baxay dhaqaale aad u badan oo aan loo baahneyn in xilligan,safar lagu bixiyo,balse shacabka Abaarta iyo Gaajada la liita wax loogu qabt.

2. Waxaa laga faaiiday SAWIRO aad u badan,oo lagu xasuusan doono booqashadii Maraykanka ee 2022,Ragga qaarkii kaga sheekayn doonaan Hotel-da Hargeysa ku yaala.

3. Waxaa la soo faaiiday cayda iyo Aflegaadadii loo geystay Xildh ILHAN OMAR oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Maraykanka(USA).

4. Waxaa laga faaiiday,waxaa aad iyo aad loo sii kala qaybiyey Jaaliyada reer Somaliland  Woqooyiga Ameerika siida kuwa ku nool Marayka(USA)

5. Ugu dambayntii waxaa laga faaiiday” AABE MUUSE SOO DHOWOOW.”

 

Hadal iyo dhamaan haddii aad aanku fiicanahay Maansada waxan odhan lahaa :-

 

-SAHAYDII OO DHAMAATIYO

-SAADASHA ROOBKIYO

-SEBEN XUN OO JIRA

-SODDON ADIGA OO QADAY

SILIC IYO DARXUMO QABA

-SIXIR BARARNA DHEER YAHAY

-SARIFKII CIRKAA TEGAY

-MARNA SII DHOWEEYAAY

-MARNA SOO DHOWEEYAAN

- MARNA DARIIQ SAFNAANTII IYO

- SACABKA AAD TUMAYSAAN.......

Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...