Wakaaladaha Biyuhu Way Ka Madax Banaan Yihiin Dawladaha Hoose

0
Monday March 28, 2022 - 15:53:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakaaladaha Biyuhu Way Ka Madax Banaan Yihiin Dawladaha Hoose

    Qalinkii Garyaqaan Muuse Yuusuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii Garyaqaan Muuse Yuusuf

Maalmahan waxaa jiray Hadal haynta Wakaalada Biyaha Hargaysa iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa Markii Xildhibaan Barkhad oo Aqoon sharci Lagu tuhmayey uu yidhi Wakaalada Biyaha Hargaysa iyo Cusbitaal waa in la hoos gelinayaa Dawladda Hoose ee Hargeysa Xildhibaanku waxa uu sidaasi ka codsaday Madaxweynaha.

 

Isagoo aan wax Xeer iyo sharci ah midna uu cuskan taas oo ah fahandaro ama aragti shaqsi, Badi Waaxaha iyo Hay'adaha qaranku waxa ay ku Dhisan yihiin Xeer ay ku gutaan waajibkooda Shaqo, Kaas oo Qaabeeya Cida Magacawda, La xisaabtanta Kuna Ilaalisa Xeerka iyo Gudashada Masuuliyada ay u hayaan umadda, Marka ay sidaas tahay waxa wax ka bedel kooda iyo In meel kale la hoosgeeya ah u baahan tahay In la Mariyo Hanaan Sharci oo waafaqsan Habka qorshaha maamulka iyo siyaasadda dawliga, Balse codsi Shaqsi oo ku Dhisan Tix Gelin, Raaligalin, Ama La jeclaansho Saxiibtinimo Kuma Haboona in Masuul qaran Aragtidiisa ku Saleeyo Jaangoynta Hay'ado Ku Dhisan Xeerarka Iyo Shuruucda.

 

Isna dhankiisa waxaa jawabcelin Sameeyay maareeyaha wakaaladda oo isdifaac iyo Aflagado ku tiraabay isagoon Xeer Iyo Sharci midna Isaga duwin ama aan ku difaacin Wakaaladda uu masuulka inooga yahay.

 

Waxa markale sii jar Iska xoor ah Usoo rogaal celiyay Xildhibaan Barkhad oo aan markana waxa Cusub ama aragti Sharci soo Qaadan.

 

Taas oo Nusqaan ku ah Masuuliyada iyo Xasiloonida Ay huwanyihii Masuuliyiintaasi. Xeerkii caafimaadka qaranka oo Aan Jirin darteed cusbitaalada Haii dambeeyaan ee Maxay Xeerarka Dalku ka qabaan Wakaaladaha biyaha

 

Hadaba Halkuu Sharcigu Dhigaayaa Wakaaladaha Biyaha ee Dalk Waxa ay ka madaxbannaan yihiin Dawladaha hoose , Halka Wakaaladda Biyaha Ee Caasimadu Ay Leedahay Madaxbannaani ka badan ta ayhaystaan kuwa goboladu Oo Iyada Magacaabista iyo xilka qaadista Masuuliyiinteeda waxaa Iska leh Madaxwaynaha.

 

Sida ay Dhigayaan Labadan Xeer

"[XEERKA BIYAHA QARANKA JSL Xeer Lr. 49/2010]

[XEERKA ISMAAMULKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA, XEER Lr. 23/2019]"

oo si waafiya uga hadlay Arimaasi Wakaaladaha Biyaha iyo dawladaha hoose waxa ka dhexeeya wada shaqayn.

 

sida Bilayska, Waxbarashada, Caafimaadka, shirkadaha Isgaadhsiinta, Iyo shirkadaha Laydhka ba ah wada shaqayntu uga dhaxayso.

 

XEERKA BIYAHA QARANKA JSL Xeer Lr. 49/2010

Qodobka 9aad

 

Lahaanshaha/wada lahaanshaha

1.      Lahaanshaha khayraadka biyaha dabeeciga ah waxa loo igmaday Dawladda Somaliland oo uga wakiil ah muwaadiniinta Somaliland.Dawladduna waxay

mas’uuliyadda u dhiibtay Wasaaradda Khayraadka Biyaha iyadoo raacaysa distoorka iyo XEERKAN Biyaha qaranka Lambar 49/2011

2.      Isticmaalka khayraadka biyaha waa in lagu maamulo XEERKAN iyo shuruucda la xidhiidha ee ku haboon ee nidaamyada hab-maamulka Dawladda

 

QODOBKA 17aad

Lahaanshaha iyo adeegsiga guud ee BIYAHA

 

1.      Lama Wareejin karo Lahaanshaha khayraadka dabiiciga ah ee biyaha.

2.      Dhamaan agabka BIYAHA ee lagu maalgeliyey hantida dawladdu waa hanti qaran oo dawladdu ka masuul tahay.

 

QODOBKA 18aad

 

U dhiibista adeega danta guud

1.      Dawladda Dhexe waxay ugu dhiibi kartaa xuquuqda adeegsiga khayraadka BIYAHA Dawladda Hoose ka dib marka ay heshiis labada dhinac wada galaan.

2.      Heshiisku waa in uu si buuxda ugu wareejiyaa dawladda hoose ee uu khusayeeyo fidinta adeega biyaha iyo xuquuqda adeegsiga agabka

 

Qodobka 19aad Faqradiisa 3aad.

Wassirka wasaaradda khayraadka BIYAHA ayaa leh awoodda magacaabista iyo xilka qaadista

maareeyayaasha iyo maareeye ku xigeenada wakaaladaha (adeeg bixiyaha dawliga ah)

 

QODOBKA 82aad

Laalis/burin

1.      Dhamman wixii shuuruuc iyo xeer hoosaad ah ee ku saabsan arrimaha biyaha ee hore u jiray waa la laalay haddii ay ka hor imanayaan sharcigan biyaha qaranka (Null and void)

2.      Waxa la tirtiray Qodobka 71aad farqadiisa 3aad xarafkiisa (A),(B),(C), waxa kaloo xarafka D loo bedelay Sidan ee xeerka ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer LR . 23

D. Maareeyaha iyo mareeyo ku xigeenka Degmooyinka waxa magacaabaya Wasiirka BIYAHA markuu la tashado Madaxwaynaha. Marka laga reebo Mareeyaha iyo

 

Maareeye ku xigeenka Caasimada Hargaysa oo uu si toosa Madaxwaynuhu u magacaabayo marka uu la tashado Wasiirka Wasaarada BIYAHA.

Dhankakale xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Qodobka 15aad

1)      Iyada oo laga duulayo qodobada 110aad, 111aad (4) iyo 112aad ee dastuurka JSL,

Golayaasha Degaannada Degmooyinka ee darajada "A” iyo "B” waxay ka masuul noqonayaan hanashada adeegyada

horumarineed ee dhammaan qaybaha dhulka ay degmooyinkaasi ka kooban yihiin.

2)      Iyada oo aan waxba loo dhimayn mas’uuliyadda ku

xusan farqada 1aad ee qodobkan; adeegyada horumarineed ee degmooyinka darajada "A” iyo "B” ay ka mas’uul yihiin waxa ka mid ah;Baahinta Awoodda Ismaamulka

a)      Xarumaha daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee degmooyinka,

b)      Dugsiyada wax-barshada ee ilaa heer dugsi hoose/dhexe ee degmooyinka

c)      Xannaanada xoolaha ee heer degmo

d)      Horumarinta beeraha iyo adeega fidinta beeraha ee heer degmo

e)      Horumarinta ganacsiga ee heer degmo

f)       Horumnarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha ee heer degmo.

g)      Ilaalinta deegaanka heer degmo

h)      Nabadgelyada gudaha ee kusiman awooda heer degmo

i)       Wadooyinka gudaha magaalooyinka heer degmo.

j)       Horumarinta biyaha iyo adeega Fidinta heer dagmo.

k)      Horumarinta isgaadhsiinta iyo adeega fidinta heer dagmo.

 

Qodobka 40aad

Xilka Golaha Deegaanka Xarafka c)

Maamulka, horumarinta iyo kor u qaadista adeegyada Arrimaha Bulshada, sida waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Xoolaha, Degaanka, Ganacsiga,

Nabadgelyada, Laydhka, BIYAHA, Igaadhsiinta, Nadaafadda I.W.M ee hoos yimaada awooda golayaasha

degaanka ee degmooyinka.

 

Qodobka 72aad

D. XILKA WAAXDA ARRIMAHA BULSHADA.

9. Habaynta, Qorshaynta, Hubinta iyo isku dheeli tirka baahida Goobaha BIYAHA "Kiosks” iyo waxqabadkooda

 

d) Maamulka Degmada haddii uu ka fulinayo goob ama

 

aagag ay ku aasan yihiin ama ka taagan yihiin qalab farsamo ee Biyaha, laydhka iyo Tilifoonada kama fulin karaan karto hawl ilaa ay kala xidhiidho Hay’adaha ay khusayso.

 

ARRIMAHA FARSAMADA IYO ADEEGYADA BULSHADA QODOBKA 75aad

Heshiisyada Farsamada

 

3. WAKAALADA BIYAHA DEGMADA

c) Wakaaladaha biyaha ee Degmooyinka waxa laga rabaa inay joogtaynta biyo gelinta oo naqshadaysan u gudbiyaan maamulka Degmadda, wasaarada arrimaha gudaha iyo wasaarada hawlaha guud si loo waafajiyo fidinta iyo Naqshada Degmadda waxaana

laga rabaa macluumaadkan: -

1.      Xaafadda BIYO galinta lala rabo

2.      Jidadka iyo toobiyaha BIYO galinta,

3.      Cabirka iyo muga dhismaha BIYO kaydiyaha (Water Reservior)

4.      Dhuumaha iyo qasabadaha Kiyooska "Main Pipes” dhumucdooda

5.      Qasabadaha BIYO qaybinta dhumucdooda "Distrbution pipe line”

6.      Cabirka dhismaha gododka BIYO qaybinta "Main Valves”

7.      Cabirka dhulka hoostiisa ee qasabaduhu ku duugan yihiin ama ku aasan yihiin.

8.      Nooca saacadaha BIYO tiriska

9.      Goobaha WARAABKA dadweynaha "Kiosks” tiradooda

 

QODOBKA 83aad

Heegan Galinta Farmasiiyada.

Habaynta kaltanka famasiiyada iyo heegan galinta Rugaha Caafimaadka, Dabdamiska, Korontoda, BIYAHA iyo Kaalmaha Shiidaalka ee heer Degsiimo iyo Guud ahaanba

Degmada, waxaa dajinaysa Dawladda Hoose.

 

Sidaas darteed waxaa muhiim ah in Masuulka Warbixin sheegayaa inuu Soo Darsaa waxa uu ka hadlaayo, Siiba Xildhibaanada waxaa waajib ku ah in Hadalkoodu ku ladhan Ugu yaraan Qodob Sharci Maadaama ay Yihiin Xeer-dejin,

Hadii taas laga tago waxba hadalkaasi kama duwan Muranka iyo warka Suuqa.

Dhamaan Qodobadani waxay si cad u qeexayaan in wada shaqayn iyo Iskaashi ka dhexeeyo Labadan hay'addood iyo kuwa kale ee ay qusayso Ama ay wadaagaan Hawlo shaqo,

Hadii Wakaaladaha biyaha Dawladdaha Hoose la hoos geeyo

Maxaa u diidaaya In cusbitaalada, Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Saldhigyada Ciidamada Booliiskana la Hoos geeyo.

Waxa wadada Shaqayntooda iyo Kala Xadayntoodu ku Dhan tahay Labadan Xeer ee Dhaqan-galka ah.

 

Malaha Xildhibaan Inta Aad codsi Madaxwaynaha uu dirayso waxa ka fiicanaan lahayd Adiga oo Golaha Aad ka midka tahay ka Abaabula XEER CAAFIMAADKA QARANKA OO AH HAWLIHIINA SHAQO

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...