Dawladdaha reer Galbeedku Ilaahay iyo dadkiisa waxba iskagama tiriyaan.

0
Monday March 28, 2022 - 15:35:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dawladdaha reer Galbeedku Ilaahay iyo dadkiisa waxba iskagama tiriyaan.

    Somaliland ha digo rogato lug-gooyadooda inta ay fursaduhu inoo banaan yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland ha digo rogato lug-gooyadooda inta ay fursaduhu inoo banaan yihiin.

C/Risaq Axmed Jama



Ugu horeyn, waxaan ugu dhaaranayaa dadkayga reer Somaliland, in Ingriis iyo xulafadiisu ayna inaga dhxaynin tolnimo, xigaalnimo iyo gacalnimo midna. Waar waxba isuma nihin. Waxa kaliya ee maanta ina midayn karaa, waa danaheena iyo kuwooda oo isku meel ku soo aroora.  Maanta wey cadahay in Somaliland ay reer galbeed ka helayn ictiraaf. Sabab aynu muxibada riyaaqa leh iyo mishxaradaha ula daba soconaana meesha ma taalo. Waa gaal bari ina gumeystay oo aynaan wahktigan isku dan ahayn, sida muuqata, in aynu ka hadhnaana ay haboon tahay. Maadaama beentoodii soo oodantay. Umadda runta ha loo sheego.

 

In muddo ah tan iyo wakhtigii uu isu dheelitirka quwadaha aduunku Meesha ka baxay, ee isutagii Soviyeetkii burburay, waxay reer galbeedku ku guulayseen in ay cidhib tiraan wadamo caalamka ka mid ahaa, sida Somaliya oo aynu ka mid ahayn, Ciraaq, libiya, Sudan, Afqaanistaan iyo qaar kale. Wadamada qaar, awood military ayey ku baabiiyeen iyadoo aduunku  daawanaayo, qaarna dagaalo sokeeye iyo dhaqaale burbur gacan ku rimis ah, oo ay u soo waarideen ayey ku titireen jiritaankoodii.  Maanta waa cusub ayaa baryey. Awood la dhiganta tan reer galbeed oo uu Shiinuhu hogaaminayo ayaa soo muuqata, oo cabsi xoogan ku riday gaalkan aynu iska caashaqnay.

 

Quwadaha waawayn ee aduunka u awood sheegta, waxay aduunweynaha u qaybsadaan sida xeyo xoolo ku jiraan, oo intay ku dagaalami lahaayeen, way ka heshiyaan oo midba aaga uu qaadanaayo iyo waxa uu kan kale ugu bedelanaayo ayey afgarsho ku dhamystaan. Aageena, geeska Afrika waxaa looga baxay oo hantiyey Shiinaha iyo xulafadiisa.  Waxaana si fudud daliil kuugu noqon kara markaad dhugato wixii qabsay Tigreega Ethiopia, oo shalay uun ay ahayd markii reer Galbeedku damceen in ay xukunka Ethiopia u dhiibtaan.  Waxaad ogaydeen iyagoo Addis Ababa talaabooyin u jira, in mar qudha haad kale, waa Shiinaha eh, Meesha soo galay oo haatkii horey Meesha u joogay ka kacay. Meeyey Tigreegii maanta? Ayadoo kooban, reer galbeed aageena aynu ku nool nahay, wuu ka kacay, waxaana soo degay Shiine iyo xulafadiisa.  Waxaa la yidhi "ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow”.  Laakiin, buur iska ag taagnoow inama qabato.

 

Umadda waxaa lagu maaweelinayaa waa wax xaqiiqda ka fog. Barigii miyiga loo badnaa, ayaa nin magaalo u soo safray, waxaanu ka iibsaday radio. Dabadeedna markuu miyiga ku noqday, ayuu wararka u fasiri jiray dadka reer miyiga ah.  Marka uu maqlo wax u eg Somali, ayuu odhan jiray aamusa, war baa socdee, markay waydiiyaan waxa warku sheegayna, wuxuu odhan jiray, waa la ina hadal hayaa.  Waar, yeynaan ku qancin waa la ina hdal hayaa iyo reer Xamarkii baa ka naxay sida la inoo soo dhaweeyey.  Ogoowbay hadaad horumar hiigsanayso la isma barbar dhigo ama la iskuma cabiro kuwa kaa liita.

 

Xukuumadda maanta talada haysa iyo kuwa soo socda, waxaan uga digaynaa in ay umadda ka shaandhheeyaan beenta ay ka soo waaridayaan reer galbeedka ee lagu suulinayo umaddooda.  Caqliga umadda ayaad caayeysaan marka beenta raqiiska ah, ee reer galbeedku idiin soo dhiibaan aad umaddiina la soo hor istaagaysaan sida: Wadamada Africa ayey reer galbeeku inagu xidheen in ay aqoonsiga Somaliland ugu hor dhawaaqaan, dabedeed iyagaa ku xigi doona.  Cid kastaaba waa ogtahy in reer galbeedku aanay rabitaankooda Afrika iyo cid kale toona u daba fadhiisan ee umadda ka xishooda oo ka daaya beenta qaawan ee aad u soo xawilaysaan.

 

Somaliland maanta waxay aduunweynaha kula gorgortamaysaa, waa ictiraaf buuxa, si aynu uga baxno cuna qabataynta caalamku ina dul dhigay. Shaxdii caalamku waa isbedeshay, Somalilandna waxaa la gudboon in ay la jaanqaado isbedelkaa.

 

Allahayoow, waxaan kaa barinay gargaar.

 

C/Risaq Axmed Jama


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...